“110 Qof Oo Xubno Ka Ah Ururka FETO oo Turkiga Loo Gacan Galiyay


Qunsulka Turkiga Hargeisa U Fadhiya oo ka Warbixiyey Afgembigii Fashilmay Oo Maanta Oo Kale Saddex Sano Ka Hor Ka Dhacay Dalkiisa

Hargeysa (Hubaal) Dublamaasiga ugu sareeya qunsuliyada turkigu ku leeyahay Somaliland Cali Looyaan oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta qunsuliyada ee Hargeysa, ayaa sheegay ‘saddex sanadood ayaa laga joogaa markii uu dhacay afgembigii dhicisoobay ee kooxda Fadxullaahi Gulan ee magaceeda loo soo gaabiyo FETO ay la damacsanaayeen xukuumadda Turkiga. Isagoo ka sheekeenaynaya siday wax u dhaceen ayaa waxa uu yidhi; “Intii uu afgembigu socday waxa la beegsaday xarunta madaxtooyada, xarunta sirdoonka iyo xarumihii booliska, waxaana duqeeyay duuliyeyaal falaagoobay. Aad bay muhiim u tahay inaynu dib u eegno sida ay shabakadaasi ku bilaabantay, taasi oo ka soo unkantay iskuulo gaar loo leeyahay oo sanadihii dhawaa ay aasaaseen kooxda FETO. Waxay qaldeen da’yar wax ka baran jiray iskuuladooda kuwaasi oo ay geeyeen xarumo ay ku sheegeen ku tababar. Waxay duubsadeen tiro badan oo dad ah kuwaasi oo si xag-jir ah u taageeray, xubnahaasi ay tababareen ayaa markii dambe la wareegay maamulka ururka waxaana ay sameeyeen xadgudubyo. Ayuu yidhi dublamaasigani, waxaanu intaasi raaciyay. “Dadka kasoo qalinjebiyay xarumaha ururka FETO waxay dhexgaleen hay’addaha dawladda ee ugu muhiimsan Turkiga, waxaana ay xadeen su’aalihii imtixaanaadka qaranka oo ay u arkayeen caqabad haysata ururkooda. Ururka FETO waa uu xoogaystay waxaanu yeeshay saamayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed iyagoo si khaldan uga faa’ideystay khayraadka waddanka. Shacabka Turkiga ayaa muujiyay inaanay jirin ka wayn rabitaankooda, waxaanay isku diyaariyeen inay naftooda u huraan jiritaanka waddanka iyo dimuqraadiyada. Saddexda sano ee laga joogo afgembiga dhicisoobay, turkiga waxa u qabsoomay muhiimado badan, ugu horeyn waxa caddaaladda la horgeeyay dadkii ku kacay falkaasi, waxaana daaha laga feyday xubnaha ururka FETO ee hay’addaha dawladda dhexgalay ee isku balaadhiyay ilaha dhaqaalaha. Dalal badan ayaa ururka FETO ku tilmaamay inuu yahay mid argagixiso, waxaanay mastaafuriyeen xubnihii ururkaasi ee dalalkooda joogay, in ka badan 20 dal ayaa turkiga waxay u gacangaliyeen 110 xubnood oo ururkaasi ka tirsan oo dhulkooda ku sugnaa, sidoo kale wasaaradda arrimaha dibedda turkigu xarumo dugsiyo ay ku jiraan oo ururkaasi ku lahaa 18 waddan, turkigu waxa uu sidoo kale joojiyay maadooyin ay ka mid ahaayeen luuqada turkiga oo laga bixin jiray dugsiyaad aan turkigu lahayn balse xidhiidh la lahaa ururkaasi FETO oo ku yaalla 36 waddan.” Ayuu yidhi Dublamaasiga ugu sareeya qunsuliyada turkigu ku leeyahay Somaliland Cali Looyaan

Si kastaba, afgembigaasi dhicisoobay ee 2016-kii ka dhacay dalka Turkiga isla markaasina uu ka badbaaday madaxweynaha dalkaasi Erdugon iyo xukuumadiisaba waxa ku dhintay in ka badan 249 qof

Advertisement

Ku Xayeysiiso