Xallinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka. Q/3-aad

Xallinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka.
Q/3-aad
Waxa beri dhacday inay laba nin isku qabsadeen Suldaannimo, ka dibna waxay goor barqo ah ay iskula tageen nin Xidaar ah (Garyaqaan), dabadeedna wuxuu geeyey geed hadh-subaxeedkii , waxaanu ku yidhi “Galabta haynoo ahaato, halkaasna sii fadhiya”, ka dibna, hadhkii ayaa wareegay markii ay qoraxdii subaxnimadii dhaaftay, laakiin labadii nin ayaa mid ka mid ahi halkii la fadhiisiyey ee lagula ballamay fadhiyey oo aan ka kicin bacadkiina ugu soo galay, markaas buu dhididay oo uu haraaday, halka ninkii kalena kol-ba halka hadhku u wareego ayuu u wareegayey.

Markii ay gaadhay galabnimadii ayuu u yimid odaygii Guurtida ahaa, waxaanu arkay labadii nin oo uu midna hadhkii faxaaxsanayo, midna uu halkii saaka hadhku ka tegay fadhiyo oo aanu silic waxba uga dhinayn, Odaygii Guurtida ahaa ee ay yidhaahdeen na kala saar ayaa yidhi “Maxaan idin kala saaraa idinka ayaaba isku garnaqaye, waayo buu yidhi:- ninka bacadka ka kac garanwaayey reerka uu u taliyaa saw jabi-maayo, ninka kol-ba halka hadhka leh u wareegayeyna sow kolba halka talada iyo xaajadu reerku joogto ku go’aan qaadan maayo”, sidaas ayeyna gartii labadaa nin ku dhamaatay.

Marka aynu eegno dhinacyada wax tirsanaysa ee dhibta loo geysto waxa loo jeediyaa, Naq, Cabatin iyo baanis, tusaale ahaan marka nin si kama’ ah u dhinto wax hidaayo ah ma’laha ee waxa la kala qaataa oo la kala gurtaa magtii oo dhan ee ahayd boqolka halaad, iyadoo jifida mar’la kala qaato, qubanahana ama magweyntana mar’la kala qaato, amaba mar’saddexaad, isla-markaana, wixii hadhaa magta ka ahna la isa siiyo.

Laakiinse, marka wakhti kale arrintan oo kale ay ku dhacdo qoladii wax laga dilay waxa ay yidhaahdaan “maantana ma laynoo noqday, kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin”, isla markaana, hadimotalisyada meesha joogaa ay u Go’ ridaan, ka dib, qoladii soo dhex-gashay ayaa tidhaahda “Belaayo hor la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha”.

Sidoo kalena, iyana waxa jirta in la yidhaahdo “Reerku hadii aanu lahayn laba lagu gudo (Deeqsiyo), laba isu guda (Talo-qabeenno), laba laga gudo (geesiyiin) waxa la yidhaahdaa reerku reer ma’aha, waxaana halkaa ka muuqatay inaanay reerka waxba ka dhamaanayn, tusaale ahaan, ninkii 100-ka halaad lahaa marka ay raggii dhexda ahaa ku xukumaan 150- Halaad iyo gabadh godob-reeb ah, isla markaana la yidhaahdo “Waa mag-dharaareed”, mag-dharaareedna waa magtii oo hal mar la wada bixinayo oo aan sidii caadiga ahayd waxba loo soo noqonayn, laakiin marka sidaa la xukumo arrintaasi xal kale malaha, gartaasina waxay ku foorartaa qoladii wax dishay.

Gar-muslax: waxa ay ka mid tahay noocyada garaha dhaqanka, laakiinse, marka loo eegayo dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma’qadiso, sababtoo ah, waxa la qaybiyaa waxa la isku hayey, dabeecadaha gartani leedahay waxa ka mid ah in aanay keenin wax caqiibo-xumo , mana dhantaasho tolnimada, gacaleedyada, xidid-tinimada, saaxiibtinimada.
Waxa lagu dhaqmi jiray xeer iyo xanaan, kaasoo lagu xalin jiray wax kasta oo ka qayb qaata in uu saameyn ku yeesho arrimaha dhaqanka iyo nolosha, isla markaana garta muslax may lahayn wax Axdar ah (Arxandaro ah), ama dhibaabe ah amaba saraaye ah, sida, Millad (Dhaar) ama markhaati la isku jirrabo.

Gartani waa garaha ay qaadaan ragga samataliska ahi, waayo ninka samataliska ahi danta oo ku khasabta mooyee had iyo goor ma qaado, kuma degdego gar- cadaawe, sidaa darteedna, waxa uu ku dedaalaa gar-kasta oo loola yimaado inuu ka baajiyo in laga dhigo gar-cadaawe.

Waxa la yidhi: nin hal-adayg ah ayaa had iyo goor cidda isula timaadda ee ay wax kala galaan, xal u helideeda wuu ka gun-gaadhi jiray af iyo adin-ba, dabadeedna nin ay isku deegaan ahaayeen ayaa maalin maalmaha ka mid ah si daymo leh u eegay, isaga oo qiimaynaya raganimadiisa, waxaanu yidhi “Ninkaa hebel nin fiican ka tegi-maayo”, taasoo ula jeedadeedu noqonaysay in uu yahay nin fiican, ka dibna, waxa lagu yidhi “Waayo”, wuxuuna ku jawaabay “Waanu hanbayn.”

Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso”, taasoo loola jeedo laba gari dhexmartay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi tilmaamaysaa in hadii ay ragga gar-cadaawe dhexmarto ay taasi ku reebi karto calool-xumo hibasho ama hiirtaanyo reebta, taasna waxa laga yaabaa inay dad gacal ah ama tol ah kala fogayso.

Sidaa awgeed bay ragga samataliska ahi had iyo goor ugu taliyaan in garta laga dhigo gar-muslax, isla-markaana, had iyo goor marka uu isqabad yimaado ay ku taliyaan inay fiican tahay in waxyaabo badan la iska dhaafo oo mar walba arrinka korka laga xaadiyo, taas oo loola jeedo inaanad si saqajaanimo ah u xisaabtamin oo aanad si xun wax u qod-qodin, iyadoo ay Somalidu ku maahmaahdo “Lafahana gur xarogana haka tegin”.

Waxa kale oo la yidhaahdaa “Gobanimada waa waxaaga oo aad wax ka tagto”, sidaa darteed waxay gobanimadu ama wanaaggu ku jiraa inaad had iyo goor is ururiso, taas oo ay arintu ku qurux badan tahay inaanad cid walba la garnaqsan, sidaa darteed bay ugu nasteexo badan tahay garta la yidhaahdo, “Gar-muslax……. La soco.

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso