Xallinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka. Q/2-aad

Xallinta Khilaafaadka Isku-Dhaca Iyo Wada-Xaajoodka.
Q/2-aad

Waxa iyana loo baahan yahay inaad malayso cidda aad wada hadlaysaan ee kaa soo horjeeda inay kaa af-roon tahay (Af-tahamo badan tahay) iyo in hadalkiisa lagaa xigo oo aanu kufkaaga ahayn, waayo Somalidu waxay tidhaahdaa “Gadh-ba gadh baa la tusaa”.

Sidoo kalena waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale ahaan, marka soddoggaa ama seedigaa kaa soo horjeeddo amaba ay arrini idin dhexmarto qof xil kugu leh oo aanad afka ku kala waaxi karin, sidaa darteedna lagaaga toosan yahay odhaahdiisuna ay af cid kale ku wanaagsan tahay. Somalidu waxay tidhaahdaa “Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado”.

Laakiin dhaqan xumooyinka soo kordhay waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof oo arrini dhexmarto halkii si wanaagsan loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha la isugu sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood isaga kala dareeraan.

Xiliyadii hore garta laba qof ama laba qolo loo qaadayaa kama ay badan jirin inay maalin ama habeen iyo maalin socoto, xataa marka ay guddidu raagto oo ay debedda u baxdo, waayo waxa la odhan jiray “Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan meesha ku jirin ayey soo gelinaysaa”, isla markaana hadimada iyo waxa xun lagama talin jirin, iyadoo xataa hadii aanu qofka aakhiradiisaba u tudhan ay marka horeba hadimo-taliska iyo eexdu godob aan hadhin leedahay, sidaa darteed hadii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda “Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa”

Ninka hadimadataliska ah waxa ka muuqan jiray cawaaqib xumo weyn isaga iyo ubadkiisaba oo aan ka hadhin jirin illaa iyo sagaal awoow, bulshada dhexdeedana waxa uu ka noqon jiray nin leh ceebo iyo naanayso lagu canbaareeyo, bal dhugo maahmaahdan, “Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay”, sababtoo ah, markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob.

Laakiinse, Ninka markhaati been ah furaa waxa lagala noqon jiray kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa, waxaana la odhan jiray “Ninkaasi xaajo qaad ma aha”, oo macnaheedu uu yahay ninkaasi war-gal ma aha, oo looga qaateen ma aha’, waxaana raaci jirtay ninka ay maalintaasi ka xumaatay jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo “Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago”, waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama ragganimo ayaad kaga tagtaa.

Ninka ka hor-dhaca ee suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey, isagana waxa la odhan jiray “Farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug”.

Haddaba inta aynaan u sii guda-galin noocyada gar xeer-beegti, waxa aynu halkan ku eegi doona asal ahaan halka laga soo dheegtay macnaha erayada saddexan ee Gar xeer iyo beegti.
Gar: waa xadhiga dardarta leh ee inta ninka lagu xidho ka dibna geed qudhaanjo leh laga soo laad-laadiyo, isaga oo u xidhan sida askarta loo figeeyo oo kale.
Xeer: waxa weeye xadhiga aqal Somaliga marka la dhiso dusha lagaga xeero ama Awrku marka uu raran yahay dusha lagaga xidho.
Beegti: waa ku beeggan (u qalma) ama aqoon u leh, sidaa darteed bay gartu u leedahay weedho u gaar ah (Thermanology), sida ay mihnad kastaaba ay u leedahay luqad iyo weedho u gooniya.

Sida aynu horeba u soo sheegnay garuhu way noocyo badan yihiin, sababtoo ah waxa taasi loola jeedaa in mushkilad walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ee ku haboon, Somaliduna waxay tidhaahdaa “Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa”,

Gar-kala dareeris: maaha mid loo eego cadaalad, laakiin waxay ay u eegtahay xal ama garta muslaxa loo yaqaan oo kale, isla markaana ragga had iyo goor garta caynkaas oo kale ah wax ka qabtaa waa ragga ku sifooba samatalisnimada.

Gartan waxa had iyo goor loo qaadaa laba qabiil ama laba-qof, inkastoo cidna ay ku jiifsato, cidna ay u sed-buriso, waxaana lagu dhaqmaa cidii wax-gaysatay wax loogu yeedho” Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad, marka gartan lagu jiro waxa jirta xikmad tidhaahda “Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday”. Laakiin waxa jirta xikmad kale oo iyana tidhaahda “Walaalkaa hadii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho”, taas oo loola jeedo, ninkii aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka marin kartaa…… La soco.

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso