waxaa muuqata saansaan nabadgelyo oo kasoo muuqata ceel afeyn

Marka hore waxan hambalyo u dirayaan dhamaan warbaahinta kala  gedisan ee ka hawl gala soomaliland halka ay iska taageen colaada maalmahan u danbeeyay ka socotay ceel afweyn oo aanay haba yaraatee wax faro gelin ah ku samayn.

marka labaab waxa jecelahay inaan maqaal kooban ka qoro saan saan nabad gelyo oo ii muuqda.

waxa muuqata saansaan nabadeed oo ka soo ifbaxaya goobaha colaadu ka socotay ee deegaamada ceel afweyn ,waxanay u muuqataa ina ay dhinacyada ishayaa fahmeen qiimaha ay leedahayay nabad galyadu islamarkaana ay nabad siisanayaan waxkasta oo ay doonayeen beelahaasi.

dhinaca kale markaad eegto aaraahda ka soo maaxaysa dhamaan ummada soomaaliland bari iyo galbeedba waxay khaatiyaan ka noqdeen colaada soo noqnoqatay ee ka dhacaysay ceel afweyn waxana ay u rajaynayaan in ilaahay soo afjaro mar uun.

hadaba hadda waxaan taagan dabayl caafimaad oo ka aloosan goobaha dagaaladu ka socdeen, sidaa darteed waxan soo jeedin lahaa in ay dawladdu hadda ka faaiidaysato fursadan taagan, islamarkaana ay la timaado qorshayaal wax ka ool ah oo nabadgelyada salka loogu dhigo , kuna iibsato nabadda qiima kasta oo ay ku kacayso.

Allaa mahad leh

Abdilahi Ali Derie ( A.A.DERIE)

TEL.  0634465037

Email. Abdilahi_3@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso