Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo Saddex qodob ku soo koobay sababta ay u sii jiraan Al-Shabaab

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa ka hadlay sababta keentay iney sii jiraan Al-shabaab, isla markaana sii wadaan gumaadka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu ku sheegay sadex qodob oo sabab u ah iney sii jiraan Al-shabaab iyo sida ugu haboon ee looga guuleysan karo, Waxaanu qoraalkiisu u dignaa Sitadan:-

Soomaaliyey waa inaan dhabta wajahnaa, runtana isku sheegnaa. Wiilasha arxan iyo naxariis laawayaasha ah, waa beryana ileyska iyo iftiinka bulshada naga baqtiiya, qof kasta oo aayatiin leh adduunka dhaafsiiya, uur-kutaalo, murug iyo xanuun nagu reebaya, agoon, rajo iyo arruugnimaba ubadkeena baday, astaan qaran iyo ilayska ilbaxnimo kasta duminaya, waxey ku jiraan waa saddex qodob.

1- Inay daacad u yihiin waxa ay aaminsan yihiin, naf, hanti iyo waqti u hurayaan, har iyo habeenna u soo jeedaan. Ma aha dad dhalanteed ku nool, waxaa dhab ka ah waxey u dhimanayaan.

2- Inay haystaan hoggaan hagaya oo horgelaya, hormuudna ugu ah hamiga ay rabaan in ay hirgeliyaan.

3- Dayaca inta kale. Ma jirto awood kale oo si dhab ah uga soo horjeedda. Inteena kale waxaan nahay dad dayacan oo kala daadsan oo ruux waliba dantiisa gaarka ah u noolyahay oo aan dan guud si daacad leh uga shaqaynin, hoggaan hirgala oo dhabta hormuud uga noqdana laheyn.

Waxaan u baahannahay in aan dhabta wajahno, garawsanno intaan geeri silac ah dhiman lahayn in aan duliga iska dulqaadno.

Wiilashan cirka kama iman, waa innagoo kale, awoodda ay sharta iyo ficilka shaydhaanka ku fulinayaan; aan wanaagga iyo khayrka isugu kaashanno, waan ka guulaysan karnaa ee qof walba waa in uu marka koowaad ku qancaa in aan silicaan lagu sii jiri karin, maalinta kastana si fudud Allaha u naxariisto lagu dhaafi karin haldoorkii bulshada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso