Masuuliyiinta Warfaafinta oo Qado-sharaf u Sameeyey Xoghayaha Hay’ad Warbaahineed oo Caalamiya

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa maanta qado sharaf ku maamuusay Baki Ibnu Caamir oo ah Xoghayaha Hay’ad Warbaahineed Anna Afrikaana oo Somaliland booqasho ku jooga.

Munaasibadan qado sharafta aheyd waxa ka soo qayb galay Wakiilka Somaliland u joogta dalka Finland Marwo Saamiya Muuse iyo Agaasime waaxeedyada wasaaradda WarfaAfinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, La Taliyaha wasiirka warfaafinta Faysa Maxamed Faliidh iyo Wasiir Ku-xigeenkii hore ee wasaaradda warfaafinta, Shukri Xariir Ismaaciil.

Agaasimaha Telefishanka Qaranka, Maxamed Xasan Cali Weji iyo Agaasimeyaasha Maamulka iyo Qorshaynta ee wasaaradda Warfaafinta oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay wasaaraddu ay soo dhaweynayso suxufigan waayo-araga isla markaana ay ka codsanayaan in wixii uu ku arkay Somaliland uu gaadhsiiyo caalamka.

Mr. Baki Ibnu Caamir oo ka hadlay hadhimo-sharafeedkaasi ayaa sheegay inuu Jamhuuriyadda Somaliland ku arkay dawladnimo shaqeysa iyo nabadgelyo buuxda oo ah mid Ilaahay loogu mahadnaqo.

Mr. Baki Ibnu Caamir wuxuu u mahad celiyay Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta oo dalka si weyn ugu soo dhaweeyey isla markaana u fududeeyey booqashada uu ku joogo Somaliland, waxaanu intaas ku daray inay Somaliland tahay qaran wax qabsaday oo istaahila in la aqoonsado.

Waxa kaloo xafladaas ka hadlay Shugri Xariir Ismaaciil iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Finland Saamiya Muuse oo suxufigaas ku ammaanay dedaalka uu u galay inuu soo arko Somaliland, waxaanay sheegeen inay xukuumadda Somaliland gacan ka geysan doonto shir uu ku qaban doono caasimadda Hargeysa dhowaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso