Duqa Muqdisho oo Muwaadin Luul Maxamed ku wareejiyey gurigeeda ka maqnaa muddo 28 sano ah

Duqa Muqdisho oo Muwaadin Luul Maxamed ku wareejiyey gurigeeda ka maqnaa muddo 28 sano ah
Muqdisho Luulyo 13, 2019–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa muwaadin Soomaaliyeed Luul Maxamed Axmed (Luul Digriyow) ku wareejiyey guri ay lahayd oo laga haystay muddo 28 sano ah.

Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in dadkii degenaa gurigan ee diiday inay baneeyaan sharciga la horgeyneyo ayna xabsi nuteysanayaan, isla markaana lagu soo dalacayo kiro 28 sano ah.

“Waad u jeedaan maanta Lul Mohamed Ahmed (Lul Dikriyow) oo muddo 28 sano laga heystay. Dadkii degenaa oo diidanaa inay u baneeyaan ayaan u sheegnay inaan sharciga horgeyneyno oo ay xabsi nuteysanayaan iyo inaan ku soo dalaceyno kiro 28 sano ah hadii aysan degdeg uga bixin. Tanoo suurto gelisay inaan maanta ku wareejin

o.

Guddoomiyaha oo furaha gurigaas ku wareejiyey muwaadinkii lahaa ayaa ka digay cawaaqib xumada Aakhiro iyo adduunba sugaysa dadka sida sharci darrada ah u deggan hantida muwaadiniinta kale ee doonaya in dib loogu soo celiyo xaqooda.

Luul Maxamed Axmed oo ahayd muwaadinka lahayd mulkiyadda guriga ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen dib u soo celinta gurigeeda oo sanaddo badan ka maqnaa

Advertisement

Ku Xayeysiiso