COLAADA CEEL-AFWEYN , DHIIGA DADKU MA MASHURUUC BUU NOQDAY WAXANI WAX KA BADANE !!!

COLAADA DEEGAANADA CEEL-AFWEYN IYO AGAGEERKEEDA DADKEENII WAY KU MADHEEN , GURMADNA INAGUMA YARA E , MA MASHRUUC BAA TOLOW WAA YAABE ? !!!

( MASUULIYIINTA DAWLADA IYO ODAY DHAQAMEEDKII DEEGAANADAA EE INTAAS OO GOOR ARINKAAS GALAY EE WAXBA U QABSOOMI WAAYEEN MAANTA YAANAY GALIN , HANA ISKA CASILAAN MASUULIYADAHA AY HAYAAN )

Ceel-Afweyn waxa ay u baahan tahay;
1- Gurmad dhiiga dadka iyo colaada lagu qaboojiyo, 2- Fulin waxii lagu heshiiyey cidii jabisay lagu qaado, 3- Go’aan Kama dambays ah oo laga soo saaro 

Amniga iyo nabadgalyada dalka waxa ka masuul ah xukuumada oo ay tahay in ay ka hortagto waxkasta oo amni daro ku keenaya dadka reer somaliland si ay u ilaaliso dhiigooga iyo dhaqnaantooda oo ay ugu noolaadaan nabadgalyo iyo xasilooni waarta.

Xaalada deegaanada Ceel-Afweyn iyo agagaarkeedu waa boog ku taalla qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo aan si wanaagsan loo bogsiin , Somalidu waxa ay ku maah-maahdaa xisaabi hadii ay xidhmi waydo wax baa ka maqan ama waxbaa ku dheeraad ah , haddaba dhibaatada soo noqnoqotay ee boqolaalka qof ku dhinteen boqolaalka kalena ku dhaawacmeen ma mid xal loo waayeybaa?

Ilama aha in xal loo waayey ee milil guudkii lama dhayo e meeshaa waxa ku jira ee dadka dhiigooga u qabanayaa waxa ay iila muuqataa in marwalba iyada oo wax qabyo yihiin la yidhaahdo waala heshiiyey,  waayo hadii heshiis aan hugun hoose iyo cadaalad daro aan cidi tirsanayn waa lagu kala bogsan lahaa baan qabaa , inkasta oo waxa meesha ka socdaa camal shaydaan yahay.

Waxa aan u soo jeedinayaa dadka walaalaha ah , ilmaabtiga ah  , habrawadaaga ah , walaalaha ah ee ilmaadeerka ahi in ay colaada joojiyaan oo aanay halkaa dhaafin , dad meel kala tagaya am ihidin, cadaw kala cadgoosanaya ma tihidin ee waxaa aad tihiin ab iyo isir iswada dhalay oo Alle swt goob kuwada beeray oo iyagu kala beermay.

Somalidu barigii hore  wacadka oo ah heshiiska way ilaalin jirtay , dhaarta iyo qawlka la is yidhaahdo cidhib xumadeeda ayaa ay dadku baqan jireen oo dad waxa ay galaan aan ka bixin ayey ahaan jirtay , umad dhaqankeeda iyo culimadeeda iyo dawladnimadeeda ilaalisa ayey ahaan jireen laakiin hada mooyi si la noqday.

Waxa aan soo jeedinayaa Dadweynaha iyo Dawladaba in aan laga niyad jabin walaaleheena shaydaanku isku qaatay ee dhiigoogu qubanayo ee waa in aynu u gurmanaa oo aan caruur iyo ciroole cidi ka hadhin maanta arinkaa sidii loogu guntan lahaa ee dhibtaasi ay halkaa ugu istaagi lahayd, Waayeelka, aqoonyahanka, culimada, dhalinyarada , haweenka iyo guud ahaan dadka reer somaliland iyo umada muslimka ahiba waa in ay ku kala guntataa dhibaatada ku soo noqnoqotay walaalaha Ceel-Afweyn.

Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa dhamaan dadka ka soo jeeda beelaha is dilaya iyo dadkeena kale ba ,  in aan la buunbuunin dhibaatada iyo mashaqada xun ee halkaa ka dhacday si aanay u noqon fidmo umada kale oo dhan gaadha oo aanay u fidin , ee waa in carab wanaagsan iyo caqli wanaagsan lagaga hadlaa arinkaa Ceel-Afweyn oo cagta loo dhigaa.

Waxa aan u soo jeedinayaa masuuliyiinta ka soo jeeda deeganadaa ee ku fashilmay in ay dadkoogii in ay wax ka qabtaan , waxgarad iyo kuwa masuuliyada maamul leh ee qaabilsan nabadgalyada guud iyo ta deegaankaasiba in ay is casilaan maadaama ay ku guulaysan waayeen in ay dadkoogii nabadgalyo iyo xasilooni ku qancin Kari waayeen oo aan cidina u qabsoomayn dhibtiina istaagi wayday.

Waxa aan iyagana u soo jeedinayaa odayada dhaqanka iyo waxgaradka deegaankaasi in ay faraha ka qaadaan hawshaa nabadaynta deegaanadaa maadaama aanay dadkoogii u qabsoomayn dhibaatadiina ay noqotay mid aan dhamaanayn oo iska daa deegaanadaasiye looga baqayo in ay Somaliland inteeda kale gaadho oo cabsi wayn galisay guud ahaan qarankii.

Waxa aan u soo jeedinayaa xukuumada iyo goleyaasha qaranka ee somaliland in ay qaadaan talaabooyin maamul oo isbadel muuqda ka dhaliya deeganadaa ay dhibaatadu haysato , iyada oo xooga la saarayo marka ugu horeysa in la kala qaboojiyo oo la baajiyo dhiiga dadka walaalaha ah , marka labaad cidii jabisay heshiisyadii la galay laga qaado talaabo adag , cidii u saxeexdayna jeelasha lagu guro si nabadgalyo loo dhaliyo waarta oo ay fulin dawladeed u muuqato.

Marka ugu dambaysa Waxa aan u soo jeedinayaa guud ahaan dadka Somaliland in ay gurmadaan oo wanaag ku gurmadaan oo duco ku gurmadaan oo caqli ku gurmadaan oo aduunyo ku gurmadaan oo arin ku gurmadaan oo fadhiga laga kaco oo aan cidna lala safan ee meeshaasi cadaalad iyo run bay u baahan tahaye dhayda laga cadeeyo waxa meesha ku jira oo lagu Alle bariyo si aanay dhibtaasi inoogu soo noqon insha Allah.

Allow kala qabooji oo baaji dhiiga dadkayga iyo dhiilada colaadeed 

Muhamed Dhimbiil 
Mohamed Abdi Jama

Advertisement

Ku Xayeysiiso