Qarax Gaadhi oo ka dhacay agagaarka isgoyska Digfeer ee magaalada Muqdisho

Sawirka Gaadhiga Qarxay

Gaadhi laga soo buuxiyay waxyaalaha qarxa ayaa ku qarxay bar koontarool oo ku taal meel ku dhow isgoyska Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamo ku sugnaa meel ku dhow isgoyska ay ka shakiyeen gaadhiga kuna amreen labo ruux oo saarnaa inay soo degaan ayna ku amreen dadkii ka agdhowaa goobta inay ka fogaadaan.

Gaadhiga ayaa la sheegay inuu qarxay iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxan.

Qoraal lagu soo daabacay barta Twitterka ee Hay’ada NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka fashiliyeen qarax gaadhi , waxaana qoraalka NISA lagu sheegay in qaraxaasi uusan khasaaro kasoo gaadhin.

Qaraxa saaka ka dhacay magaakada Muqdisho ayaa ahaa mid aad u xoogan oo dhawaaqa jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

Advertisement

Ku Xayeysiiso