Xululka Masar iyo Kaamaruun oo laga reebay Koobka Afrika

Xulalka Qaranka Koonfur Afrika iyo Nayjeeriya ayaa u gudbay wareegga 8 dhammaadka koobka Qammada qaaradda Afrika 2019, kaasi oo si habsami ah uga socda Wadanka Masar, kaddib markii ay kala garaaceen xulkii marti-gelinaya tartanka sanadkan ee Masar iyo Kaamaruun.

South Africa ayaa xulka Egypt uga adkaaday gool ay xilli dambe ka dhaliyeen, iyadoo kulanku ku adkaaday 1-0 looga badiyey Masar.Kulankan oo ka dhacay garoonka Cairo International Stadium ayaa ahaa mid aad u adag, hase yeeshee waxaa 1-0 looga badiyay Masaarida oo iyagoo gurigooda jooga isaga haray tartanka Qammada qaaradda Afrika, iyadoo qeybtii labaad ee ciyaarta dhammaadkeedii waxaa goolka qura ee looga adkaaday Masar u dhaliyey xulka South Afrika ciyaaryahan Thembinkosi Lorch 85’daqiiqo kaddib caawin uu ka helay Lebo Mothiba.

Taageerayaasha Masaarida ayaa aad uga xumaaday in xulkooda lagu reebo wareegga 16-ka tartankan iyagoo rajo fiican lahaa.

Xulka Nigeria ayaa isna u soo baxay wareegga 8 dhammaadka koobka Qarammada Qaaradda Afrika kaddib markii ay 3-2 ku garaaceen dhigooda Cameroon, Kulankaasi oo ahaa mid aad u adag ayaa waxaa Daqiiqadii 19-aad Odion Ighalo ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa Qaranka Nigeria, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Kenneth Omeruo, halka Daqiiqadii 41-aad xiddiga xulka |Qaranka Cameroon ee Stephane Bahoken uu ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1, waxaana goolkan ka caawiyay Christian Bassogog.

Ka hor dhamaadka qeybta hore ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 44-aad Clinton N’Jie ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa Qaranka Cameroon, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1, xili goolkan uu ka caawiyay Stephane Bahoken, balse Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada xul Qaran ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado cajiib ah si ay u dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 63-aad xulka qaranka Nigeria ayaa helay goolka barbaraha waxaana ciyaarta 2-2 ka dhigay Odion Ighalo oo caawin ka helay Ahmed Musa, waxaase daqiiqadii 66-aad xulka Qaranka Nigeria hogaanka u qabtay ciyaarta waxaana 3-2 ka dhigay Alex Iwobi oo caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Odion Ighalo, ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-2, iyadoo Xulka Nigeria uu u gudbay wareega siddeed dhamaadka koobka qarammada Afrika, halka Cameroon gabi ahaanba ay isaga hareen tartankan., iyagoo uu waliba watay Tababare Seedorf oo khabiir weyn ah, iyadoo hotrena loo reebay Xulka Marooko.

Maanta oo Axad ahna waxaa wada ciyaari doona; Madagascar v DR Congo. halka Algeria v Guinea is arki doonaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso