“Waxba isma dooriyaan qolada doonaysa in ay faham khaldan oo diineed meelmariyaan, iyo kuwa raba in faham khaldan oo dawladeed socod siiyaan” Siyaasi Cabdiraxman Cabdishakuur oo Maamulka Xamar Barbardhigay Kooxaha Xagjirka.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ee Somaliya Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda ay u dhaqmaan sidii ay maamulan dowlad dhisan oo awood leh, isagoona xusey inay Somaliya tahay dal ku guda jira geedi socodka dowlad dhisida.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey hadii fahamka siyaasadu uu qaldamo ay ka dhalan karaan natiijooyin uu ku sheegay xagjirnimo iyo jahwareer, kuwaasi oo ah fahamka khaldan ee dowladnimada.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Waxaanu ku yidhi Sidatan:-

“Si aad u garato halka aad u socoto waxaa lagama maarmaan ah in aad garanayso halka aad joogto. Soomaaliya waa dal ku guda jira geedi socod dawlad dhisid, waxaase muuqata madaxda talada dalka haysa in ay u dhaqmayaan sidii in ay dawlad dhisan maamulayaan oo kale. Haddii fahamku khaldan yahay, ha sugin in ficilku hagaago, haddii aadan garanaynin halka aad taagan tahay, way adagtahay in aad halka aad u socoto haleesho.

Fahamka siyaasadeed oo khaldama, natiijadiisu waa xagjirnimo iyo jahwareer ah, sababtoo ah waxaa is herdinaya waxa uu meelmari is leeyahay ruuxa fahamka khaldan wata iyo dhabta waaqaca horyaala.

Waxba isma dooriyaan qolada doonaysa in ay faham khaldan oo diineed meelmariyaan, iyo kuwa raba in faham khaldan oo dawladeed socod siiyaan”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso