Wararkii u dambeeyey ee Dagaalka Beelaha Walaalaha ku dhex maray Deeganka Dogoble ee CeelAfweyn oo keenay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh!!

Wararkii u dambeeyey ee Shabakadda Wararka ToggaHerer ka helay illo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dagaalka galabta ka qarxay deegaanka Ceelafweyn gaar ahaan Deegaanka Dogoble ee u dhaxeeya Beelaha walaalaha ee hore dirirtu u dhex martay dhawr goorna la dhex dhigay Heshiiska uu khasaarihiisu yahay, Dhimashada Shan Ruux iyo afar Ruux oo la qafaashay halka dhaawacuna yahay Dhawr iyo Toban ruux oo kale.

Ilahan oo ah qaar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey In dhinac ka mid ah labada Beelood uu watay Laba Gaadhi oo Baroon ah kaas oo ay weerarka ku fuliyeen.

Xaalada ayaan wali la saadaalin karin sida ay tahay maadama oo hadda la galay xilli habeenimo ah.

Xukuumadda Ayaan wali wax war ah ka soo saarin Shaqaaqadan iyo dhibta dhacday.

Alle waxaan uga Baryaynaa in uu Colaada ka qaboojiyo Dadkan walaalaha ah Bogoodana Burcad isu mariyo.

Isha Ku hay ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso