Soomaali Labo ayaa Mid noqon waayee siddee Shani u noqon mid ama u middoobi?

Waxaad yaalaa arkaysaa dad ku andacoonaaya Soomaalidu waa mid iyo Soomaalidu waa Hal! Iyo Soomaalidii middawday iyo haddallo iyo odhaaho lamida.

Haddaba waxa is weydiin mudan su’aalo dhowra oo ah Soomaalidu Weligood mid ma noqdeen isticmaarka hortii iyo dabadiiba? Weli Soomaalidu intay goob iskugu timi ma tidhi waa inaynu midownaa!? Weli Dowlad Soomaali oo dhani wada Yeelatay mala arkay ama mala dhisay? Weli Soomaali Madaxweyne ama Boqor ama Suldaan ama Garaad ama Ugaas ama Malaaq u wada taliyey mayeelatay weligood ama abidkood?

Haddaba jawaabtu waa wada MAYA!!

Haddii la xaqiiqo hadlaayo Maxaa yeeley Soomaalidu waa SHAN oo waa SHANTA SOOMAALIDA kuwaas oo kala ah SOMALILAND, SOOMAALIYA, JABUUTI, SOOMAALI-GALBEED ama kilinka iyo NFD ama dhul deegaanka Soomaalida ee kiiniya weligoodna shantaa dhul deegaan ee Soomaali goob qudha kumay wada arinsan, isticmaarka hortii waxay ahaayeen deegaamo ardaayo u kala yaalay oo badanaa dirir iyo colaad u dhaxayso ardaayada siiba kuwa ood-wadaaga ah intii isticmaarka iyo intii aduunka dalalkii awooda sheegtay ay xuuduudada jeexeen oo ay meel mariyeen majiro xayndaab xuduud ah oo Soomaali lagu xayndaabay se waxa jiray in wakhtiyadii isticmaarka ay Mar Somaliland iyo Soomaali-galbeed ama HAWD IYO riseef eerya (reserve area) dal isku ahaayeen hoostagaayey boqortooyadii ingiriiska ee dabayaaqadii qarnigii 19aad ilaa badhtamihii qarnigii 20aad ka talinaayey qaybo kamid ah afrikada bari in kastoo markii danbe itoobiya loo gacan geliyey Soomaali-galbeed oo waliba laba goor maRna hawd lagu wareejiyey marna Riseef eerya (reserve area) , siddiina weli uga midyihiin,

Isticmaarka dabadii dalkii ugu horeeyey ee Soomaali leedahay ee xorriyad qaatay wuxuu ahaa Somaliland oo Madax banaanida ka qaatay boqortooyadii ingiriiska oo uu inkudhow 80 sanadood uu hoostagaayey laguna magacaabi jiray British Somaliland se 26-juun 1960 noqday Jamhuuriyad Somaliland, Siddoo kale waxa ku xigay Soomaaliya oo madaxbanaanida ka qaadatay Talyaaniga oo looyaqaanay Italia-Somalia se 1-julay 1960 noqotay jamhuuriyada Soomaaliya se waxa nasiibdaro noqotay in Somaliland oo aanay weligood arin iyo talo wadaagin isticmaarka hortii iyo wakhtigii isticmaarka toona iyaga oo reer Somaliland jibaysan oo SHANTA SOOMAALIDA isku keena isleh oo daacad ahi ay kasoo qayb galeen Maalintii ay madax-banaanida Soomaaliya ka qaadanaysay Talyaaniga waaba kuwa yidhi maalintoodii ay xorriyada qaateen ee 1 July waaba Maalintii midowga Soomaalida ama Soomaali midowday caqli xumadooda ku darsoo Somaliland oo Dal jira iyaga hortoodna Soomaaliya ayaad ka mid tihiin, somalia waa magaca uu talyaanigu u bixiyey ee uu u yaqaanay, reer Somaliland waxa ay maanka ku hayeen SHANTA Soomaali isku keena se waxa dhacday dalkii 3aad ee SHANTA Soomaali waa JABUUTI ye Markuu arkay in Midnimadii daaqada ka baxday oo kuwii soomaaliyey iyo jabuutiyey kasoo hoyda hororka lahaa ay mooriyaan u galeen aan qadiyad Soomaali-weyn ba ku jirin ay Maalintii JABUUTI xorowday waa 27 juun 1977 ay ku dhawaaqeen in dalkoodu JABUUTI yahay oo aanu maalintooda iyo dawladooda lawadaagayn dad aanay waligood maamul wadaagin weyna ku saxsanaayeen maxaayeeley Somaliland iyo Soomaaliya oo weligood maamul wadaagin oo wiilka xamar joogay iyo wiilka hargeysa joogay aanay is aqoon isticmaarka hortii isticmaarka dabadii dalbaad tihiin layidhi iyada oo aan yeelan maalin ka dhaxaysa oo Maalintii midnimada Somaliland iyo Soomaaliya la yidhaahdo, dabadeed wiilkii reer Somaliland lagu yidhi xamar weeye caasimadaaduna ee magaalo madaxdii Xamar Markuu yimidna QALDAAN lagu yidhi Runtiina waa QALDAAN waayo dad aan samaysan taariikh midow waa dad qaldan waana qaldaamiin, taasina waa ta keentay in labadii Soomaali ee kale laba Dal oo kale ka mid noqdaan, labadii midowga bugta ah ee maalin la xuso lahayna uu Colaada iyo dirirtu u dhex martay una kala irdhoobeen waxna u wada yeelan kari waayeen, se kuwa weli sii leh Soomaali waa midow taariikhda ay midoowday fadlan noosheeg? Se Hubaal labaa mid noqon waayee Shani miyey mid noqon karaan??.

Bug iyo been waa lagu barriiqdaa.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso