Jubbaland oo ka soo horjeestey go’aan ka Soo Baxay Maamulka Muqdisho sheegayna wax Door ahna aanay ku lahayn Doorashada Jubaland

War-saxaafadeed ka soo baxay Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Maamulka Soomaaliya aysan wax door ah ku lahayn hannaanka doorashada lagu wado in ay ka dhacdo Jubbaland.

Qoraalkan ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowlada Muqdisho inay farogelin qaawan ku hayso arrimaha doorashada.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Maamulka Xamar ayaa soo saartay qoddobo ku saabsan doorashada Jubbaland kuwaasoo ay qodobadiisu ka mid ahaayeen sida loo soo xulayo xildhibaanada,doorka haweenka iyo halka lagu qabanayo doorashada.

Halkan hoose ka aqriso War Saxaafadeedka Jubbaland uu soo saaray;

Advertisement

Ku Xayeysiiso