Dagaal mar kale ka dhex Qarxay laba Beelood deegaanka Ceel Afweyne

CeelAfweyn (ToggaHerer) Wararka laga Helaayo Deegaanka Dogoble ee Degmadda Ceel Afweyn ayaa sheegaya in diriri ku dhex martay laba beelood oo beryihii u dambeeyey Colaadi ka dhex taagnayd.

Wararka Hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaal ka qarxay deegaanka Dogoble oo dhaca galbeedka Ceel Afweyn ayna jirto dhimasho uu sababay Dagaalkaasi .

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jirto Dhimashada laba Ruux halka qaarna sheegayaan dhimashada ilaa Afar ruux iyo Qafaalasho Afar ruux oo kale.

Ilaa Hadda cid ka hadashay Dagaalkaas oo dhinacyada Beelaha ay khusayso iyo Xukuumadda ah oo ka hadashay ma.jirto.

Wixii war ah ee ka soo kordha Inshaa Allah waanu idiin soo tabin doonaa..

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso