Agaasimaha Guud Ee Baanka Dhexe Oo Tacsi Ka Diraaya Geerida Oday Axmed Yuusuf Siciid

Ilaahay Naxariistii Jano ha ka waraabiyo Axmed Yusuf Siiciid oo maanta ku Geeriyooday magalada Bristol -UK.  Inaalilaahi wa inaa ilaahu raajacuun. Axmed waxuu ahaa oday aan marna ka nasan danta Guud meel kasta oo uu joogo, oo ka dhex muuqda bulshada Somaliland gudo iyo qurbaba. Lama iloobi karo kaalinta uu ku lahaa xisbiga Kulmiye min bilow ilaa maalinta uu dhintay. Nin ehlu diin ah, cibaado badan, af gaaban, waxtar badan oo gacan furan. Nin abaal dhigta gudana. Nin aamin ah oo lagu xusuusto ururkii bulshada ee magaalada Sheffield ee kolkii uu wareejiyey uh noqday ninka ugu horeeyey ee Soomali urur bulsho ku wareejiya lacag kumaakun kaash ah.

 Alle ha u naxariisto qabriga ha u nuuro hana uga dhigo beer ka mid ah kuwa Fardawsta sare ehel iyo asxaabna ha waafajiyo samir iyo duco

Advertisement

Ku Xayeysiiso