Wasiirka Arrimaha Dibada Maamulka Xamar Muxuu kala hadlay Wakiilada Beesha Caalamka ee Uu Kulanka maanta Kula yeesay Garoonka Muqdisho

Wasiirka Arrimaha dibada Maamulka Muqdisho Axmed Ciise Cawad oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii uu kala hadlay kulan maanta ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Wasiir Cawad oo uu ku dheeraaday Sababtii dowladda Soomaaliya ay xidhiidhka ugu jartay dalka Guinea waxaana uu sheegay in dowladdaasi ay si cad ugu xadgudubtay Soomaaliya Qaranimadda, islamarkaana qeyb ka mid ah Soomaaliya ay Casuumaad dal ahaan ah ay u fidiyeen.

Waxaa uu sheegay in sababta ay arintaasi u gaadheen ay tahay in dal walba uu ixtiraamo Qaranimadeena.

Waxaa uu xusay in go’aanka xidhiidhka loogu jaray uu yahay mid laga baaran degay, islamarkaana Waqti badan laga fakiray.

Waxaa uu sidoo kale qiray iney jiraan dalal dhowr ah oo maleegaya tallaabooyin ka dhan ah Madax banaanida dalka, balse ay digniino dhowr ah u direen, wixii haatan ka dambeeyana aan wax dulqaad ah loo yeelan doonin.

Mar uu ka hadlaayay Somaliland Waxaa uu xusay Wasiir Axmed Ciise Cawad in dowadda Soomaaliya ay Somaliland u aaminsan tahay in ay ka mid ah tahay dhulka Soomaaliya, ayna jiri karin dowlad u sameyn karta Maqaamka dowladeed ee Soomaaliya oo kale.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Somaliland hormarkeena ay jecel yihiin laakiin uusan waxba ka badali karin in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya oo cidii dowlad u aqoonsataa in jabisay Qaranimadda Soomaaliya iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed.

Advertisement

Ku Xayeysiiso