Illintaa Tifiq le’ . Qalinkii: Sadam Osman Kaabash

Waa hiimse-hiimse maqrib laga soo doogay oo salaaddii Cishaa loo xamaan aruursanayo. Waayeelka tukubaha sitaa waxa uu ku hoyday degsiimadii uu seexan lahaa markii uu Faralkii Maqrib isku hubsaday. Waayeelka xoogga ah iyo dhallinyaraduna masaajidka ayey isku shubeen si’ ay faralka Cishaa u oogaan. Aniga oo meel aan durugsanayn ka soo lugeeyeyna waxaan soo higsanayaa in aan faralka Cishaa ka gaadho masjidka marinkayga ah. Cagaha wax ka deyid iyo socod darandooriya waxaan ka soo gaadhay rakcaddii labaad. Waxaanu halkaas ku dhammmaysanay salaaddii Cishaa. Wadaad tabliiqi ah oo hadal deggan ayaa si’ naxariis leh nooga codsaday in aan loo kale tegin ducada. 

Waxa codbaahiyii qabsaday wadaad codkar ah, Allena gudbinta iyo hadal jeedinta nimco ahaan u siiyey. Waxa uu ka sheekeeyey oo uu soo gunaanaday aayadka Kawniga ah ee muuqda. Waxa uu cindiga dadka ku sawiray dhammaan mucjisooyinka aan qarsoonayn, qof kastaana fool-ka-fool maalinkasta u arko. Waxa uu qof walba maankiisa ku qoray kelimaad aan qarsoonaanayn oo weynida Eebbe iyo jiritaankiisa muujinaysa. Waxa uu hoga tusaaleyey muuqaalka guud ee noolaha iyo ma-nooluhu iyo sida jaanta go’an ee Alle ugu tasbiixsadaan. Waxa uu qaawiyey dadkana tusay daaqad shaydaan kuududo oo dadka ka indhasabaysay in ay digriga badiyaan. Sheekhu waxa uu qofkasta u bidhaamiyey intiisa marka loo eego xagga cibaadada. Sheekhu waxa uu dadka baray Allahooda korreeya. . 

Ugu danbayn, waxa codbaahiyaha la wareegay amiirkii. Waxa uu ahaa oday gadh-casaaya, tima badana aan  lahayn, da’da iyo weynidu ka muuqato. Waxa dhegta loo geliyey codbaahiyaha. Waxa uu bilaabay duco. Allahayaw adiga ayey mahadi kuu sugnaantay. Allahayaw adiga jiif iyo joog ba noogu nimceeyey. Adiga ayaa wanaagaaga oodhan noo sugay. Caafimaad taama, arzaaqad waasica, nimcada islaanimada iyo iimaanka ee aad nagu mannaysatay Alle noo siyaadi. Wixii buka iyo wixi badqaba ba Allaw naxariistaada gaarka ah u fidi. Wixi dhib ka cabanaaya Allaw naxariistaada gaarka ah u gaaryeel. Masiibooyinka dagaalada, xanuunada iyo kale tagga Allaw naga salaamadyeel. Wixi dhibban Allaw naxariiataada ku sooryee, wixii nimcaysanna Allaw nimcadaada u siyaadi. Sheekhu waxa uu noqday ilmo hooraysa, codkiisii cabsi aawadeed ayuu naaqusmay. Dhammaan dadkii masjidka fadhiyey waxay noqdeen kuwa oohinta iyo ilmada tifiq le’ isla oogsaday wakhti yar ka dib. 

Sadam Osman  Kaabash.

Biomedical Scientist

Hargeisa, Somaliland.

Degmada: Maxamed Mòoge.

— 
Mr. Sadam Osman Mohamed

Qualifications: 
■ Bachelar degree of science, Biomedical and Medical laboratory Science. 
■ Diploma of pharmacology
■ Diploma of Computer science 
■ Diploma of Leadership and management.
■ Certiface of WASH program
■ Certificate of Continuous Professional Development training
■ Certificate of Data Collection and Analysis
■ Certificate of English language 
■ Certificate of Math’s 

Trainings: 
● Culturing  procedures
● Drug management and prescribing 
● Drug Toxicity and  management
● Laboratory Code and Conduct Management
● Work In Progress
● Somaliland election Card distribution and voting procedures.
● Parasitology Diagnosis and treatment.

Address and Contact details: 

Hargeisa, Somaliland

Mohamed Moge District, Dabada cadaada street, Boodhari Village.

Tel:(+252) 0634010419
Tel:(+252) 0634845440
Tel: (+252) 0633921660

Email: sadamkabash99@gmail.com 
Or saadkaah99@gmail.com 
Or saadkaah@gmail.com

Facebook account: Sadam Osman Kaabash.
Facebook page: Sadam Osman kaabash
You tube channel: Kaabash Channel

Occupation:
■ Biomedical Scientist
■ Medical Health Worker
■ Lecturer
■ Writer and social worker.

_________________________________________________
Fiiro gaara: 

Waxaan u doodaa kuwa aan doodi karin. Waxaan cod u ahay kuwa la tabaallaysan in codkoodu gaadho meelo fogfog. Waxaan ahay  qoraa, saynisyahan, macallin iyo barbaariye bulsheed. Waxaan wax ku qoraa luuqadda soomaliga iyo Ingiriisiga. Waxaan leeyahay barnaamij taxane ah–oo khuseeya caafimaadka, sayniska, waxbarashada iyo siyaasadda Somalida. Waxaan ka shaqeeyaa arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso