Millitariga iyo mucaaradka Suudaan oo heshiis gaadhay

Waxaa heshiis gaadhay golaha Millitariga Suudaan iyo mucaaradka is beddel doonka, sida uu shir jaraa’id ku sheegay Maanta oo Jimaca ah, Mohamed Hassan Lebatt, oo u hadlay guddiga dhex-dhexaadinta Midowga Afrika.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la dhiso Guddi isku dhaf ah oo madax bannaan, kaas muddo Saddex Sano ah talada Dalka haynaya, iyagoo Magacaabay gole ka kooban 10 xubnood oo isugu jira Millitari, Rayid iyo Hal hoggaamiye oo u dhexeeya dhinacyada.

Golaha ku meel gaadhka ah ee Millitariga iyo hoggaamiyeyaasha Rayidka Dalka Suudaan ayaa sidoo kale isku raacay in ay billaabaan baadhitaan hufan oo Madax bannaan, si loo ogaado ciddii ka dambeysay rabshadihii Dadka badan lagu dilay ee 3-dii June ka dhacay Magaalada Khartuum.

Waa heshiiskii ugu horreeyay ee ay wada jir u gaadhaan Millitariga iyo mucaaradka is beddel doonka Suudaan, tan iyo markii talada laga qaaday Bishii April ee Sanadkan Madaxweynihii hore ee Dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashiir.

Advertisement

Ku Xayeysiiso