Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawlada Oo Hirgelintiisa Lagaga Dhawaaqay Burco, Togdheer.

Burco (THN) Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Mudane Farxaan Aadan Haybe oo Safar Shaqo ku jooga Magaalada Burco ee Gobolka togdheer ayaa kulan xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Todheer  kula qaatay dhamaan Isuduwayaasha wasaaradaha iyo Hayaddaha Dawlada ee Gobolka Togdheer.

 

Kulankan oo ay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ku weheliyeen Badhasaabka Gobolka Mudane  Hamse walaaleeye, badhasaab ku xigeenka, Xoghayaha Gobolka iyo Xildhibaan Mubaarik Bidhi oo ka wakiil ahaa Maayorka Magaalada ahna Gudoomiyaha Golaha deegaanka oo safar shaqo oo uu Hargeysa ku jooga uga maqnaa kulankaas ayaa waxaa lagaga dhawaaqay Aasaaska, hirgelinta iyo weliba bilowga Machadka  shaqaalaha Dawlada Faraciisa Burco oo laga hirgelin doono Magaalada Burco.

 

Dugsiga ayaa noqondoona mid tababaro bixiya, aqoon kobcin iyo dhisida tayada shaqaalaha  sadexda Gobolee barri siiya ( Sool, Sanaag, Togdheer) Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo hadal dheer halkaas ka jeediyaya ayaa waxuu yidhi; “Waxaan halkan ku imi safar shaqo oo arin khaas ah oo ahmiyad wayn u leh burco, gobolada barriga iyo dhamaan qaranka JSL taas oo ah hirgelinta Machadka tababarka shaqaalaha Dawlada oo halkan aanu ka hirgelin doono, Hawsha Machadkan oo sidoo kale ay ku lamaan tahay machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose ( Local government institute) iyagoo isku lamaan waxay u adeegi doonaan shaqaalaha dawlada dhexe iyo dawladaha hoose ee sadexda gobol ee barriga, Waxaynu ognahay in shaqaalaha dawlada ee goboladaas ay dhib iyo dhiig bax ku ahayd inay hargeysa kaga qayb galaan tababarada machadka shaqaalaha ee hargeysa laga  bixiyo sababtoo ah markay hargeysa tagaan waxay ku kacaysay kharash ka badan mushaharkooda taas oo niyad jab ku ahayd shaqaalaha taasina waxay keentay in shaqaalahe badani taginba fursadaha tababar,”

 

Guddoomiyaha oo hadalkiisa siii wata ayaa yiidhi:- “ Markasta oo shaqaalahu aanu helin fursad tababar iyo aqoon kobcin waxa ay ka go’an tahay adeega shaqo ee shacbigu inaga filayo, Taas iyadoo la qiimeeyay iyo iyadoo aan ku socono soo jeedinta talada madaxwaynaha JSL ee ah in Gobolada Barriga loo fekero sidii fursadaha waxbarasho iyo aqoon kobcin ee gaar ahaan shaqaalaha loo baadi doono xal damaanad qaada tayaynta aqoontooda ayaa tan keentay. “

 

Gabogabdii Guddoomiyuhu waxa uu u mahad celiyey Madaxweynha JSL Muuse Biixi Cabdi Badhasaabka Togdheer iyo Maayarka Degmada Burco oo uu sheegay in aanay la’aantoot hawshani suurogashen, waxanu yidhi:-“Shalay ayaanu isla dhamaynay hawshii guriga machadka laga aasaasayo hawshaasna waxaan uga mahad celinayaa Madaxwaynaha JSL iyo Gudoomiyaha Gobolka oo runtii kaalin mug leh ka qaatay herglintaa hawshaad la,aantiina aynaan maanta halkan isugu nimaadneen,  Waxa kale oo aan halkan uga mahadcelinayaa Mayorka magaalada Maxamed Muraad  oo balan qaaday inuu guriga machadka u sameeyo dayr dhisme ah, Halkan isuduwayaashiina waxaan leeyahay hawshaasi idinka ayay faaiido wayn idiin tahay oo shaqaalahiina idinka hoos shaqeeya hadii tababaro heer jaamacadeed ah ay helaan waxay keenaysaa in adeega aad ka masuulk tihiin noqdon mid shacbigu mahadiyo, waxaan idinkula dardaarmayaa inaad gacmaha isu qabsataan hawshaas oo bisha 8aad aanu bilaabayno tababaradii inta ka horaysana qalabayntii iyo dayactir kooban oo dayrku ka mid yahay ayaanu dhismaha ku samaynaynaa. 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso