Warbaahinta Kenya oo ka Faallootay Xidhiidhka isa Soo Taraya ee Somaliland la Yeelanayso Dalalka Afrika.

Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Kenya ayaa ka Faallooday socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku joogo dalka Guinea ee ku yaalla galbeedka Afrika, oo uu martiqaad ka helay Madaxweyne Alpha Conde.

Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay Telefishanka K24 TV oo laga leeyahay dalka Kenya, waxaanu  booqashada madaxweynaha Somaliland ee Guinea ku sifeeyey “Tallaabo kale oo Somaliland u qaaday dhinaca diblomaasiyadda.”

Kenya 24TV wuxuu intaas ku daray in socdaalka madaxweyne Muuse Biixi uu calaamad dhab ah u yahay sida dalalka Afrika u aqbalayaan inay Somaliland la yeeshaan  cilaaqaad Ganacsi iyo dhaqaale oo koraya.

Telefishanku wuxuu iftiimiyey in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Alpha Conde  ay ballanqaadeen inay raadinayaan sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen iskaashigooda dhinaca ganacsiga.

K24TV wuxuu sheegay inay Somaliland horusocod ka sameysay  qaddiyadda Ictiraaf raadinta, iyadoo ku tallaabsatay inay  fursado ganacsi la yeelato dalalka Afrika, waxaanay aaminsan tahay in Somaliland oo ganacsi la yeelata dalalka Afrika iyo kuwa caalamkuba ay faa’iido u leeyihiin xoojinta ammaanka, horumarka iyo xasiloonida.

Telefishanku wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku soo baxay doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana awoodda la iskugu wareejiyey si nabadgelyo ah.

Waxa kaloo  K24TV sheegay in dawladda Kenya ay u heellan tahay inay iskaashi ganacsi la yeelato Somaliland oo ay ka joogaan 10 kun oo Kiiniyaan ah oo u shaqo tagay markii ay arkeen ammaanka ka jira Somaliland u safray  si ay shaqo uga raadsadaan.

Ugu dambayn, waxa Telefishankaas Kenya uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu 18kii bilood ee uu xilka hayey uu booqasho ku tagay saddex dal oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti iyo Guinea,kuwaasi oo ay la leeyihiin xidhiidho kala duwan.

Waxa kaloo Telefishanku ka hadlay khayraadka kala duwan ee ay leedahay Jamhuuriyadda Somaliland sida shiidaalka, macdanta iyo Xoolaha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso