War Deg Deg Ah Maamulka Muqdisho oo sheegay Inay Xidhiidhka u jareen Dowlada Guinea kadib marki ay ku eedeysay in ay ku Xad Gudubtay wax ay ugu yeedheen Qaranimada iyo Midnimada Soomaaliya.

Maamulka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday inay xidhiidhka u jartay dalka Jamhuuriyadda Guinea kadib marti-qaadkii uu dalkaas u fidiyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Go’aankan ayaa waxaa ku dhowaaqay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed ciise Cawad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib kulankii golaha wasiirada.

Cawad ayaa Guinea ku eedeeyey inay ku xadgudubtay wax uu ugu yeedhay qarannimada Soomaaliya kadib markii sida madaxweyne dal oo kale ay usoo dhoweysay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqanaya magaalada caasimadda ah ee Conakry.

Cawad ayaa sidoo kale dalalka kale uga digay inay ku xadgudbnaan waxa uu ku seegay qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sheegay in hadda kadib Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin dalalka ku xadgudba qarannimada Soomaaliya ee mas’uuliyiinta gobollo ka tirsan Soomaaliya ula dhaqma sida hogaamiyeyaal dalal oo kale.

Advertisement

Ku Xayeysiiso