Soomaalidan Kiiniya Oodadatay ma looma Ooyaanbaa!?

Soomaalidan Kiiniya Oodadatay ma looma Ooyaanbaa!?

Dadka Soomaalida ahi waa Qoomiyad ku dhaqan geeska Afrika, waana qoomiyada Afrika ugu Dhulka balaadhan marka Qoomiyado loo kala qaado Afrikaanka, Dadka Soomaalida ah deegaankoodu wuxuu ku fidsan yahay bariga Afrika ilaa cidhifka geeska Afrika, waxaana loo kala qaadaa deegaanka baaxada weyn ee Soomaalidu leedahay SHANTA SOOMAALIDA, kuwaas oo kala ah SOMALILAND, SOOMAALIYA, JABUUTI, SOOMAALI-GALBEED ama (kilinka) IYO NFD, Dadka Soomaalida ahi waa dad leh qoori xeebeed aad u dheer, waxa lagu qiyaasaa ilaa 3,500 km ama in ka badan 2,000 oo mayl inuu dherreran yahay qoorigoodu, waana qoori ka kooban Saddex Baddood oo kala ah Badda-Cas, Gacanka-Cadmeed iyo Badda-Cad ama Bad weynta Hindiya, kaas oo ka bilaabma Gacanka Tojera ilaa deegaanka Lamu ee kiiniya.

Dadka Soomaalida ah ee leh deegaanka baaxadaa weyn weligood may wada yeelan Dowlad wada maamusha cidhif ilaa cidhif deegaannada Soomaalidu degto oo dhan, haddana se waa Qoomiyad wadaagta Af iyo Dhaqan, kaas oo ah Af-soomaaliga iyo Dhaqan-Soomaaliga.

Haddaba waxa dhacday wakhtigii xudduudaynta aduunka ama khariiradaha dalalka aduunka la xarriiqaayey in deegaamadii Soomaalida ee SHANTA ahaa ay dalal noqdeen, Dalalkaa oo qaar ay Qoomiyada Soomaalidu Sooc ku tahay qaarna Qoomiyado kale deegankoodii lagu daray oo ay noqdeen Dal Qoomiyado kala kaan ahi wadaagaan, nasiib wanaag Soomaaliya iyo Somaliland waxay noqdeen laba Dal oo Soomaali sooc ahi deegaan, halka Soomaali-galbeed lagu daray itoobiya, NFD na lagu daray Kiiniya siddoo kale deegaankii xeebta JABUUTI na lagu sidkay deegaan ay qoomiyada Canfartu leedahay oo Djabuuti laysku yidhi.

Haddaba iyada oo taasi jirtay ayey qoomiyada Soomaalida ahi oo u badan xoolo dhaqato ama 80% ay noloshoodu ku xidhan tahay duunyada la foofsado ayaa haba yaraatee xudduudaha ama soohdimahaa loo kala jeexay aanu wax carqalad ah ku ahayn Qoomiyada Soomaalida ee reer guuraaga ah oo ay Biyaha iyo Baadkaba ay labada daamood ee xuduudka ugu foofsanayeen xoolaha uguna waraab tegayeen, maadaama ay yihiin Qoomiyad reer guuraa ah oo labada rog ee soohtintuna tahay laba deegaan oo Soomaali leedahay ugumana muuqato reer guuraagaa dad Dal kale u talaabaaya waayo waa deegaan ay kumanaan sanadood ay xuduud la’aan ugu foofsanayeen duunyada oo hadba halkuu cirku ka hillaaco si xorriyad leh ugu sahansan jiray uguna guuri jiray.

Sikastaba ha ahaatee Soomaalidii reer guuraaga ahaa siddii ayey duunyada ugula kala gooshaan Somaliland, Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya oo haba yaraatee wax carqalad ah kalama kulmaan soohdimahaa ama xudduudka Dalalkaas, se waxa nasiib daro ah in Xudduudkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kiiniya waa Deegaankii Soomaalida ee NFD in ay Xukuumada Kiiniya dacalkii xigay ay Taar bir ah ku xayndaabtey oo ay weliba hoggag tarrajey qoto-dheer oo haaddaamo ahna ka qodeen si aan ciddi uga gudbinba soohdinta Dad iyo Duunyaba waana wax laga xumaado waayo Dadka waxyeelada iyo hagardaamadu lasoo deristey ee la go’doomiyey waa reer guuraagii qoomiyada Soomaalida ee deegaankii NFD ee kiiniya oo haddii deegaankaa abaari ka dhacdo aanay heysan meel ay duunyada ula carraraan oo edeg iyaga iyo duunyadoodiiba lageliyey, halka qoomiyadaha kale ee kiiniya degta haba yaraatee aan wax kala xidha soohdimaha la dhigin, waxa ay dowlada Kiiniya dunida ku beer-laxawsanaysaa argagexiso ayaa nooga soo talaabaysa, se haddii ay Soomaali argagexiso ku sheegayaan miyaanay ogayn in malaayiin qoomiyada Soomaalida ahi ay Dalka Kiiniya degenyihiin kiiniyaatina yihiin? Laakiin marka ay go’doomiyeen qoomiyada Soomaalida dadkoodii reer guuraaga ahaa ee xoolahooda kumanaanta sanadood si nabadgelyo leh u daaq geyn jiray labada dacal in ay xukuumada Kiiniya argagixiso ay ku noqotay dadkaa reer guuraaga ah ee qoomiyada Soomaalida ah, waa wax laga xumaado in qarnigii 21aad dadkii reer NFD ee kiiniya doorbiday inay deegaankooda ku darsadaan maanta siddii West Bank iyo marinka qaasa gidaar iyo taar lagu wareejiyo oo reer guuraagii xoolo dhaqatada ahayd la go’doomiyo, waa wax laga xumaado, Soomaalidu gudahooda waxay doonto haysku hayso se in qarnigii 21aad dad qoomiyada Soomaalida ah edeg iyaga iyo xoolahoodii lawada gashado Qoomiyad weyntii Soomaaliduna Afka ka xidhato waa ayaan daro iyo ina-gummeednimo, waxaanan canbaaraynayaa Dalka Kiiniya ee qoomiyada Soomaalida reer Kiiniya bartilmaansatay siiba reer guuraagii jilicsanaa ee Roobka illaahay shubo iyo saaca uu soosaaro u hayaami jiray ee ood-rogada lagu rogay, Siddoo kale waxaan canbaaraynayaa Qoomiyad weynta Soomaalida ee ka aamustay dadkaa iyaga oo waxba galabsan jeel deegaanka lageliyey ee weli laga aammusan yahay, mise Soomaalidan Kiiniya Oodadatay waa looma Ooyaan?????.

Fuad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso