DIMOQRAADIYADDA YAAN DENBI LAGA GELIN!

DIMOQRAADIYADDA YAAN DENBI LAGA GELIN!
————————————————–

Waxaa fajac igu noqotay in Cabdiraxmaan Faroole uu soo jeediyey inuu qabaayo kulan dadweyne oo ku saabsan “Dimoqraadiyadda”! Waxase igala sii yaab badnayd in laga aqbalay oo xarunta PDRC kulankaasi ka dhacay.

Horta Dimoqraadiyaddu maxaa lagu micneeyey? Qaamuuska Ingiriisiga ah ee “Cambridge dictionary” wuxuu ku qeexay sidatan

Democracy: “The belief in freedom and equality between people, or a system of government based on this belief, in which power is either held by elected representatives or directly by the people themselves”.

Marka lasoo koobo waa waa nidaam u xaqsoora dadka si ay ugu sinnaadaan xilka iyo xoolaha ka dhexeeya, fursadna u siiya cid waliba xor u tahay cidda metelaysa iyo siday u metelayso. Waa nidaam qofka/dadka fursad u siinaya inay la xisaabtamaan cidday doortaan kulana xisaabtamaan heshiiska ama axdiga dhexda u ah ummadaas.

Bal haddaan dib u milicsanno xilligii Faroole Puntland madaxweynaha ka ahaa astaamaha Dimoqraadiyadda lagu micneeyey midna ma kaga sifoobayaa?

Bal waxaad is weydiisaa masuuliyadda koowaad ee madaxweyne kastaa waa inuu dhawro sharciga, oo isku hayo midnimada iyo wadajirka dadkaa s ku hoosnool maamulkaas si sharciyadda waafaqsan (dastuurka) si siman oo cadaalad ahna ugu adeego. Iyo inuu sugo oo ilaaliyo xuduudaha dastuuriga ah ee maamulkaasi leeyahay.

Bal aan eegno sida dastuurka Puntland ku qoran xuduudaha Puntland.

Qodobka 7aad DHULKA IYO SOOHDIMAHA 1. Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Mudug, Heylaan iyo Sanaag. 

2. Midnimada dhulka Puntland waa lama taabtaan, lagumana xadgudbi karo, lamana kala qaybin karo. 

Markaa bal isweydii inuu Faroole sida fiqrada koowaad ku qoran uu dadka gobolladan midnimadooda isku hayey iyo inuu si cadaalad ah ugu adeegayey.

Waxaad kaloo is weydiisaa in Faroole sida firqada 2aad ku qoran u ilaalin jirey muqaddisnimada soohdimaha kana difaaci jirey inaan lagu soo xad gudbin iyo inuu fudayn jirey in degaannada qaar la qabsado.

Waxaad is weydiisaa in awoodaha loo sinnaa, iyo isaga iyo wiilshiisa iyo kooxdii Aaran-jaan ku takri fali jireen? Waxaad isweydiisaa in khayraadka loo sinnaa oo wixii maamulka soo gala meeshay doonaan ha ka yimaddeene si siman loo qaybsan jirey iyo in degaanno gaara iyo gobollo gaar ahi wax walbaaba u xidhnaayeen? Bal waxaad is weydiisaa in maamulka iyo dawladnimadu si isku mid ah u gaadheen degaannada iyo in meelaha qaarkood la iska illaaway? Bal milicso mashaariicda laga fuliyey Puntland xilligii Faroole iyo degaannada laga fuliyey. Bal milicso barnaamijkii horumarinta degmooyinka iyo degmooyinka laga fuliyey. Bal qiyaas Degmooyinka ugu dhow Caasimadda Puntland kuwa ay yihiin. Degmada Taleex iyo Boocame ayaa Garoowe ugu dhow waxayna ka mid yihiin kuwa Dastuurka Puntland iyo Madaxweynaha Puntland sheegtaane in maamulku gaadhay iyo in kale.

Arrinta la yaabka lihi waxa weeye haddii Faroole maamulkiisu waajibaadkii ka saarnaa Degmada Taleex iyo Boocame oo u kala jira 80Km iyo 45Km (qiyaastii) gaadhsiin kari waayey dawladnimadii iyo adeeggii bulshadu, maxaa keenay inuu mar walba ku cawodo Xamar oo Garoowe in ka badan 1000km yidhaahdona “xaqayagii kamaanaan helin”! Dadka Puntland iyo maamul-goboleedyada kaleba waa dhici kartaa in xaq kaga maqan yahay dhanka Villa Somalia, lakiin Faroole maaha qofkii saxda ahaa ee xaq iyo maqnaanshihiisa toonna ka hadli lahaa.

Waxaan intaa dabadeed is weydiiyey malaha Faroole waxa ka khaldamay ereybixinta wixii uu ka hadli lahaaye umaba jeedin inuu Dimoqraadiyad ka hadlo! Waxa laga yaabaa in odaygu u jeeday inuu ka hadlo nidaamka la yidhaahdo “Demagogue” ama kan kale ee la yidhahdo “Despotism”. Waxa kaloo laga yaabaa inuu u jeeday “Oligarchy”.

Demagogue: a person, especially a political leader, who wins support by exciting the emotions of ordinary people rather than by having good or morally right ideas.

Waa siyaasi dadka ku haga xamaasad la abuuro, sida qabiil, iyo waa layna neceb yahay, xaqeennii baa la dhacayaa, waxba laynooma ogola, innagaa dadka ugu muhiimsan, hooyadii federaalkaynu nahay iwm.

Despotism: a person, especially a ruler, who has unlimited power over other people, and often uses it unfairly and cruelly:

Waa keligii talis awooddaha maskabkiisa u adeegsada siduu isagu rabo dadkana ku dhiba.

Oligarchy: a government in which power is held by a small group of people.

Waa koox ku midoowda inay awoodda iyagu siday rabaan ugu takri falaan danahoodana ku fushadaan. Waa sida Aaran-Jaan iwm.

Faroole saddexdan nooc ee hoose waa nin sharrixi kara si fiican u leh sifooyinkooda, laakiin waalli baa u geysey inuu ka hadlo fikrad ka soo horjeedda wax kasta oo Faroole sifihiisa qofeed ah.

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

dalmarbilaal@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso