Shirkaddaha Dahabshiil Group Oo Adeegyo Cusub Ku Soo Bandhigay Carwada Hay’adaha Maaliyadda Somaliland

Hargeysa(THN) Shirkaddaha Dahabshiil Group ayaa qayb laxaad leh ka qaadatay qabsoomidda shirka horumarinta Baannanka iyo hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland. Shirkan oo lagu lafo gurayo horumarinta hay’adaha maaliyadda oo ay barbar socoto carwo lagu soo bandhigayo adeegyada kala duwan ayay shirkadda Dahabshiil si weyn uga dhex muuqatay waxaanay soo bandhigtay adeegyo cusub.

Gudoomiyaha Bangiga Caalamiga ah ee Cumar Sheekh ayaa sheegay in uu bangigu horumar samaynayay tan iyo markii la aasaasay waxaana uu yidhi “Dahabshiil Bank waxa uu Somaliland ka maalgaliyay macaamiil ku dhaw 10,000 oo macmiil, lacagta uu maalgalinta ku sameeyayna waxay ku dhawdahay ilaa $300m oo milyan oo dollar wax yarna maaha, waxa barbar socota in aanu dadka saboolka ah ee dan yarta ah kor u soo qaadno sidaas awgeed dad gaadhaya ilaa 16,000 ayaa ka faa’iidaystay mashruuca Micro-finance waxaana lagu maalgaliyay lacag kor u dhaafaysa 15 milyan oo dollar,” Sidaas ayuu yidhi Cumar Sheekh oo intaasi raaciyay in hadda Bangiga Dahabshiil ku socdaan dib u habayn guulo hor leh u horseedaysa.

Fu’aad Axmed Nuur oo ka mid ah madaxda Sare ee shirkadda Dahabshiil ayaa sharraxaad ka bixiyay doorka shirkadda Dahabshiil ee carwada hay’adaha maaliyadda Somaliland “Waxaanu nahay shirkadda ugu weyn ee qabata adeegyada maaliyadda sida oo kale waxa aanu nahay shirkadaha sahlay, fududeeyay ee wax ka bixiyay shirkani in uu qabsoomo,” sidaas ayuu yidhi Fu’aad Axmed Nuur.

Waxa kale oo uu sheegay in shirkaddu carwada kula wadaagtay macaamiisheeda adeegyo cusub oo wax ku ool ah “Adeegyada aanu halkan ku hayno waxa ka mid ah adeegyada Dahabshiil Bank International oo ay macaamiishayadu ka heli karaan maalgalinta oo laba nooc ah; maalgalinta ganacsiga waaweyn iyo maalgalinta ganacsiga yaryar oo laga helayo micro-finance-ka.”

Waxa kale oo uu macaamiisha ugu bushaareeyay adeeg muhiim ah “Adeegyada cusub oo aanu macaamiishayada ugu bushaaraynayno waxa ka mid ah Online banking portal oo ah nidaam cusub oo u sahlaya macmiilka Dahabshiil xisaab(Akoon) ku leh in uu akoonkiisa ku maamuli karo online ahaan iyada oo la siinayo ‘user’ iyo ‘Password’ (Ciwaan & fure) dabeedna inta uu Kombuyuutarkiisa ku isticmaalo akoonka meesha uu doono Adduunka isaga oo jooga uu xisaabtiisa maamulan karayo, lacag ka diri karayo u diri karayo akoon kale, soo xawilan karayo ama eDahab ku shuban karayo.”

Fu’aad ayaa sidoo kale soo bandhigay horumar uu gaadhay adeegga edahab ee ah lacagta mobile lagu isticmaalo “Waxa kale oo adeegyada aanu maanta hayno ka mid ah in aad adeegga eDahab online ahaan ugu iibsan karayso adeegyada caalamiga ah sida: tigidhka shirkadda Diyaaradaha Itoobiya(Ethiopian Airline ticket) iyo shirkado kale oo caalami ah oo marka aad iibsanayso adeegga Ethiopian Airline ticket halkii aad ka isticmaali lahayd Master Card ama Visa Card kaliya waxaad u baahan tahay in aad eDahab haysato waanad isticmaali karaysa adeegga eDahab online ahaan. Waxa kale oo aanu soo bandhignay adeegga lacag isugu diridda Mobilka (Mobile money transfer) oo qofku marka uu eDahab leeyahay xawaaladda ugu dirayo Adduunka oo dhan isaga oo isticmaalaya mobilka isaga oo isticmaalaya short code-ka *700#,”

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo golaha guurtida Somaliland ka tirsan ayaa sheegay in ay Dahabshiil meelo adag kala soo dabaalatay bulshada Somaliland “Waa bangigii ugu horeeyay ee markii dhibaatada ugu weyni ina haysatay suuro geliyay in dadkii dibadda joogay dadkoodii gudaha joogay wax soo gaadhsiiyaan. Dawladi ma dhaqaaqdeen mushaharna ma jirin laakiin, Dahabshiil waa meesha ugu weyn ee ugu soo horaysay ee baahidii inaga saartay, marka aad iyo aad baan ugu mahadnaqaya rag wacan baa haysta waddamada Adduunka intooda badan wuu ka furan yahay dee Illaahay ha barakeeyo,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho Indho.

Madaxa Suuq-geynta, saxaafadda iyo xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Dahabshiil Sacad Muuse Cabdi ayaa sheegay in labada cisho ee carwadu socoto ay macaamiisho adeegyo hufan iyo soo dhawayn kala kulmi doonaan shirkadda Dahabshiil, islamarkaana ay ku faraxsan yihiin doorka ay shirkad ahaan ku leeyihiin shirkan horumarinta dhaqaalaha iyo carwada ah ee Dahabshiil doorka firfircoon ka ciyaarayso.

Advertisement

Ku Xayeysiiso