Shirkadda Telesom oo Wacdaro Ka Dhigtay Shirweynaha Baananka iyo Hay’addaha Maaliyadda Somaliland

Hargeysa – (THN) – Waxaa maanta magaaladda Hargeysa gaar ahaanna huteel Maansoor lagu qabtay shirweyne si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka soo qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Telesom Group ayaa ku soo bandhigtay adeegyo casri oo la xidhiidha arrimaha maaliyadda.
Madaxweynaha Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirkan daah-furay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan ka go’an tahay xoojinta hay’adaha maaliyadda ee gaarka loo leeyahay iyo madax-bannaaniddoodaba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,” Waxa aannu aaminsannahay oo aannu raacsannahay inuu dalku hore u mari karo oo kaliya marka ay hirgalaan hay’addo maaliyadeed oo madax bannaan oo xooggan iyo wasaaraddii iyo baankii dhexe oo shuruucdii iyo kormeerkii oo keliya leh, waxana aannu aad iyo aad u jecelnahay inaanu Isfahan buuxa yeelanno hay’adaha maaliyadda ee madaxa bannaan.”
Madaxweynuhu waxa uu hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda u sheegay inuu saaran yahay waajib weyn oo qaran, maadaama oo ay dhaqaalihii gacanta ku hayaan, “Baananka madaxa bannaan oo ka hor dhashay kuwa dawladda waxa saaran xil weyn oo ka duwan ka ganacsi ee ay u abuuran yihiin oo ah xil qaran, marka aynu doonaynno inuu dalku hore u maro masuuliyadda koowaad iyagaa leh, waayo dhaqaalihii xoogganaa iyagaa leh, marka aynu doonaynno inuu shaqo-abuur samaynno oo aynu dhallinyarada shaqo la’aanta ka saarnona masuuliyad dheeraad ah baa idin fuulaysa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Cabdiwahab Maax oo ah Agaasimaha Horumarinta Arrimaha bulshada ee Shirkadda Telesom oo ku hadlayay afka Telesom Group ayaa salaan kadib xusay inay sharaf u tahay Telesom group inay kasoo qayb gasho shirkan ay qabanqaabadiisa lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe ee Somaliland. C/wahab Maax ayaa si sar-kaxaadis ah u dul-maray taariikhda Telesom Group, shaqo-abuurka ay waddanka kusoo kordhisay iyo asaaskeedii, wuxuuna agaasimuhu xusay muhiimadda ay bangiyada iyo maaliyaddu u leeyihiin bulshada Somaliland. Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda adeega Zaad kaas oo meesha ka saaray khataraha Xatooyada, Foojariga iyo Zaadka oo fududeeyay in lacagta cidda aad doonto si fudud aad u gaadhsiin karto. Adeega Zaad ayaa horseeday in bulshadii hesho adeeg maaliyadeed oo hufan, casriga ah, isla markaana amaan ah. Adeega Zaad ayaa sidoo kale heer hogaamineed ka galay kacaanka maaliyadeed ee dunida looga aqoon-saday Mobile Money isagoo sannadkii 2012kii loo aqoonsaday adeegyada u bahaan in dunidu ku dayato iyadoo maalqabeenada aduunka ugu caansan sida Bill Gate oo kale oo Somaliland ku tilmaayay inay ku dayan karto India oo maalqabeenku markaa ku sugnaa.
Agaasime Maax ayaa sidoo kale xusay inay Telesom Group ahaan soo dhoweynayaan dedaalka ay ku jirto dawladda Somaliland ee ah in la dhiirigeliyo maal-gelinta shisheeye ee dalka iyo in la dhiirigeliyo in la dhiso nidaam sharci oo aad u horumarsan oo dalkeena indhaha caalamka kusoo jeediya.
Guntii iyo gebo-gebadii agaasimaha ayaa xusay inay diyaar u yihiin sidoo kalena ay kala shaqeeyaan Bangiga Dhexe ee Somaliland iyo wasaarada maaliyaddaba dhamaan shuruucaha maaliyadeed ee dalkani u baahan yahay inaanu dhinacayaga ka istaagno, inaanu noqono cidda ugu horraysa ee u hogaansanaanta iyo inaanu ku caawino khibrad iyo tiknoolajiyad wixii aanu dheernahay. Agaasimaha ayaa ugu dambayntii madaxweynaha iyo golaha wasiiradda ugu bushaareeyay in shaqaalaha kumanaanka gaadhaya ee u shaqeeya Telesom Group ayay dhamaantood yihiin muwaadiniin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka wasaaradda horumarina maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha Baanka dhexe Prof. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday sida ay xukuumadda ahaan ugu go’an tahay inay hirgeliyaan hay’ado maaliyadeed oo isku xidhan, islamarkaana si hufan u wada shaqeeya, waxana ay hay’adaha gaarka loo leeyahay ee dhinaca maaliyadda ku hawllan ka codsadeen inay dardargeliyaan wada-shaqaynta dhexdooda iyo isfahamkoodaba.

Advertisement

Ku Xayeysiiso