Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed “Waxa ka dhacay Gobolka Amxaarada waa wax aan dastuuri aheyn”

Taliyaha Ciidamada difaaca ee Itoobiya ayaa lagu dilay xilli uu jiray isku day aafgambi oo dhicisoobay oo ka dhan ah Ismaamulka Amxaarada.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa horay sheegaya in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa la toogtay ayadoo uu qalalaaso ka taagan yahay gobolka Waqooyi ee Amxaarada.

Madaxweynihii gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii sare ayay sidoo kale askartu dileen. Waxaana saacadda soo socota shir Jaraa’id qaban doona Ra’iisal Wasaarala Itoobiya.

Gobolka Amxaarada oo dhaca Waqooyiga Caasimada Itoobiya ayaa ah gobolka labaad ee ugu badan ee Wadanka.

Abiy Axmed isaga oo xidhan dharka Ciidamada ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi ay ka dambeeyaan waxa uu ku sheegay qaswadayaal iyo calooshood u shaqeystayaal.

“Waxa ka dhacay gobolka waa wax aan dastuuri aheyn, hadafka laga leeyahay waa in meesha laga saaraan nabadda” ayuu yidhi, raiisul wasaaraha.

Dhanka kale Safaaradda Mareykanka ee Itoobiya, ayaa digniin u  dirtay muwaadiniinteeda ku sugan halkaasi, waxa ay ugu baaqday in ay muujiyaan taxadar dheeri ah.

Abiy Axmed ayaa sannadkii hore loo dooortay Ra’iisal Wasaare, waxa uuna soo afjaray cadaadiskii ka jiray Itoobiya asagoo siidaayey maxaabiistii siyaasadda u xidhnayd. Waxa uu sidoo kale xayiraaddii ka qaaday axsaabta siyaasadda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso