Muuse Biixi Iyo Talada Dalka SIYAASADA DHAQAALAHA MAXAA LAGA DAMACSANYAHAY (Qaybtii 74aad) Qore: Maxamed Xoosh

Waxa jirta dhib hore aanu uga hadalnay oo madaxweyne Muuse Biixi si adag uga hadlay maalintii dhawayd wuxuu xusay

“80% ardayda Somaliland inay dhigato dugsiyada dawladda, 20% soo hadhayna dugsiya si gaar ah loo leeyahay hadana la buun buuniyo dugsiyada gaar loo leeyahay SIDOO KALE 60% dhakhaatiirtii ajaanibka ahaa in la celiyay sababo badan awgeed”

 

Waxa abuurmay DABAQADO BULSHO oo u dhigan NINKII LACAG HAYSTAANA HA HELO TACLIIN IYO CAAFIMAAD WANAAGSAN KII KALENA WAA YEELKADII, taasi waxay dhalinaysaa QARAX FALKAANO AH oo hadhow aan waxba hanbaynayn !

 

Kuma raacsani madaxweynaha aragtida ah SUUQA ISAGAA IS WADA XAGA SICIR BARARKA iyo DHAQAALAHA waxay la macno tahay “Ninkii rooni reerka ha u hadho”

 

Arimaha I yaab geliya waxaa ka mid ah had iyo jeer waxaa lagu canaantaa xukuumada in ay ka gaabisay amaankii gudaha , xoriyaatkii dadka , amaankii xuduudaha iyo socdaalka , sirdoonkii , adeegyadii bulshada loo qabanaayay , kaabayaashii dhaqaalaha ……. Iyo SUUQA GANACSIGA YAANAY DAWLADU SOO FARO GELIN markaa  xagee laga biiliyaa dawladda ? waa aragtida la yidhaa “xoriyada bahalka ah”

 

Somaliland waxa ku filan habaynta suuqeeda oo keliya waxaan hubaa in ka yar 5 sano in lagaadhsiin karo miisaaniyadda dalka 1 billion dollar iyo in ka badan uma baahna khubaro iyo nin cad waxay u baahan tahay yaa garanaaya

 

Maanta waxaa la joogaa xili dawladaha dunidu kala iibsadaan dhagaxa iyo ciida BALSE yaa ka xorayn dadkayga baahidu hayso dhagaxa iyo ciida “Nin waliba gobalkiisa khayraadka yaal wuu ka qaawan yahay DPW wixii ka dhacay waa loo joogay” waxaynu se kala siman nahay badi 53 dawladood ee Afrikaan ah , xal ma leh oo horaa loo tijaabay si kale ayaa loo gudbi karaa.

 

Waxa muuqata in Xisbiga Kulmiye haduu alle gaadhsiiyo uu doonaayo in dib loo soo doorto Waayo  dadka oo dhan waxa raali geliya Cida doonaaysa in dib loo doorto waa OLOLE HOR LEH

 

Dadkagu uma diyaarsana waxqabad iyo horumar waxa arinkaa u markhaatiya TALAABO WAL OO XAGA CADAALADA LOO QAADAY CID AYAA KA CADAHAYSIISAY , WAX WALOO DAWLADU LAHAYD GACANTA DADK\UU KU JIRAA , DHUL , ISGAADHSIIN, BAANAN , BIYO , KORONTO…… WAXNA KUMA QABTO DAWLADU.

 

Allaa Kariim

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso