Naasnuujinta iyo Masaasada

ilmaha yar caafimaadkiisa caqligiisa keeba u fiican in la siiyo nuujiyo naaska hooyada iyo maasasada caaga ah ama quraarada ah iyo
caanaha samayska ah milk bowders
Sida allah ku sheegay quraanka kariimka Caanaha naaska hooyada lama ag dhigi karo caanaha samayska ah caqliyan caafimaad jidhba waa in la dhiiri galiyaa naas nuujinta hooyada iyo dhalaanka Korodhka tirada dadka ugu badan ee labada dawladood ee aduunka chine india wuxuu sahlay in ay sifo khaldan uga faaidaystaan soo saarista caano cuntooyin daawooyin sharaab aan lahayn wax tayo ah caafimaad ama caano copy ah
Xayaysiiska caanaha samayska ah oo aan loo baahnayn in la dhiiri galiyo idaacadaha dalka halka caafimaad ahaan ay ka haboontahay in la dhiiri galiyo naasnuujinta oo ka faaido tayo caafimaad maskax jidh dhis difaac ilmaha ilmaha siinta caanaha samayska ah oo la ogaaday in aanay u fiicnayn ilmaha yar fayaqabkiisa kuwaas oo ku keeni kara cuduro halis ah madaama aan la hubin tayadooda caafimaad caanaha samayska ah
caanaha milk bowder caanaha dalka somaalia iman jiray waxay ahaayeen caano laba nooc oo kaliya coast nido halka manta ay kor u dhaafeen 404 nooc oo caano ka kala yimaada aduunka caanahaas coasta nido waxay ka iman jireen dawlado aynu la leenahay heshiis ganacsi oo la hubo tayada caanaha ay soo dirayaan caanahas waxay ahaayeen caano toos looga soo lisay neefka lo ada halka caanaha aduunka inooga yimaada lagu soo adkeeyo nooc ka mida jaandiga samayskooda caafimaad
Waa in dawlada dalku si fiican ula socdaan caanaha cuntooyinka food stuf ration sharaabka daawoyinka dalka dibada uga yimaada si loola socdo hubinta isticmaal ee badeecadahaas dekadaha suuqyada ganacsi
Dalkii hore ee somaaliya waxa iman jiray 2nooc caano milk bowders oo ku iman jiray nidaamsharci ganacsi laba dawladood oo si saxa loola socdo tayadooda caafimaad iyo maadooyinka ay ka kooban yahiin oo ahaa international stander index
Waxa soo raaci jirey caano cartons ku iman jiray oo la odhan jiray caano bodhe caanahas oo inta badan ahaa caanaha hayadaha sida qaxootiyada

Maxaa caanaha loogu soo qori waayey magaca ganacsiga company caanaha ee had iyo goor loogu soo qoraa magacyada haweenka soomaalida jawaabtu waxay u egtahay kalsooni la an company caanaha soo saaray oo aan lahayn shuruuc company caalamiya oo si fiican looga ogyahay suuqyada ganacsiga caalamka ta kale waxay noqon kartaa suuq galin ganacsi oo laga raadinaayo haweenka qoysaska oo ka masuul ah daryeelka caruurta qoyska iyo quudintooda dhalaanka si iib fiican loogu helo caanahaas
Caanaha hada dalka yimaada oo aad u badan ganacsigooda hadana inta badan caanaha saxa waxa ay ka yimaadan dalalka imaaradka oo booyado aad u waawayn ay ka keenan dalka newseland holand etc dalalka imaaradka ayaa dib loogu soo qasacadeeya inkasta oo caano badan oo aan lahayn la socod tixraac caafimaad laga keeno dalka chine caanahas oo inta badan ah copy madaama aanu dalkeenu lahayn qalabkii lagula soconaayey noocyada badeecada kasoo degaya dekedaha dalka ama airport
Waqtigii dawladii hore ee soomalia ganacsigu wuu xadidnaa inta badan waxa uu ahaa ganacsi ku yimaada laba dawladeed oo lala socdo noocyada tayadiisa caafimaad ma jirin ganacsigan hada jira ee ganacsade kasta uu keenayo dalka cunto xaaran iyo xalaal waxay tahay ta kaliya ee ay hada ganacsatadu ka door bidaan danta caafimadka bulshadooda waa macash raadin degdega ah

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan

Advertisement

Ku Xayeysiiso