M. BIIXI HOGGAAMIN AAN LA MAHADIN! Qaybtii 3aad!

WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham Qaybtii 3aad

10. DHAQAN MADAXEED, DUL MADAXEED, AF MADAXEED IYO GACAN MADAXEED MIDNA QARANKU KUMA QABO M. BIIXI!

Sida aad wada og tihiin waxa jira sifooyin wanaagsan oo qofkii talo ummaddeed haya ee lagu arko ku ammaannan yahay ama lagu majiirto. Sida oo kale, kuwa iyana kuwaa lidka ku ah oo ciddii lagu arko bar madaw ku ah oo dadku kaga fiigaan iinna ku ah qofka caadiga ah madax na hadalkeed ba daaye waxaana ka mid ah kuwa aan kor ku soo xusnay! 

Saddexdan arrimood ee aan is-daba-dhigay mid walba maraggiisa iyo markhaatigiisa ayaan ku lifaaqi si luugu qanci karo. Aan sidan u kala horreysiiyo; 

B. DHAQANKA MADAXEED

Dhaqannadii madaxweyneyaashii Somaliland u kala dambeeyay laga bartay, gaar ahaan kuwii wanaagsanaa ee xasuusta reebay oo aan kuwan hoose hogo-tusaale uga soo qaadan karno, waxa ka mid ahaa; 

– XILKASNIMO IYO TUDHAALE; hoggaamiye kasta marxallado adag oo aayaha dadka iyo dalka ba shucaac geliyay ayaa soo maray. Hasa yeeshee, xal u helista mushkilaadkaa waxa sees u ahaa xilkasnimada iyo tudhaalaha hoggaanka dalku la yimaaddo. Taasina waxa ay ka dhalataa dareenka madaxnimo ee hadba hoggaanka laga arko. kaasi oo haddii uu gaadhsiisan yahay heer uu dareemayo in ummadda oo dhan uu mas’uul ka yahay xil na ka saaran yahay waxa dhacdooyinka siyaasiga ah laga arkaa dhaqankiisa madaxnimo. 

Hadda ba Madaxweyne Biixi markii uu mucaaridka ahaa iyo hadda oo uu madaxweyne yahay wax farqi ah oo u dhexeeya ma jiro. Dareenka madaxnimo qawl ahaan iyo ficil ahaan ba kama muuqdo. 

Shacabkuna indhaha Madaxweyne Biixi waa u laba uun. Cid raacday oo isaga la jirta iyo cid aan isaga raacin oo ka soo horjeedda! 

– CAFISKA IYO CALLOOL FAYOOBAANTU DHAQAN UMA AHA M. BIIXI

Cafisku waa sifooyinka aadka u wanaagsan ee lagu guulayso waana wax aan dadka badankoodu isku karin, shakhsiyaadka cafiska caadaystaa dadka way ka tilmaaman yihiin. Aar-gudashadu maaha dhaqan madaxeed M. Biixi aar-gudashadu waa u caado. 

Maalin ninkii il-qalloocda ku eegay M. Biixi ma illaawin ma awoodo sidii (AHN) Madaxweyne hore Maxamed Xaaji Ibraahim (Cigaal) iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in uu xil u magacaabo kuwii ugu xagxagashada xumaa ee dhibay. Taasi waa arrin ragannimo badan u baahane haddii ciddii M. Biixi maalin hadal xanaf lehi dhex maray ay ka eed la’aato buro ayay siddaa! 

T. DUL MADAXEED

Xadhigga badan ayaa calaamad u ah damqashada iyo dul yaraanta M. Biixi. Sida oo kale cabashada, gocoshada, tamashada iyo garnaqsiga uu had iyo gooraale warbaahinta la taagan yahay ayaa ka marag ah baraq-nugaylka iyo bayrtiisa. Wuxuu se illowsan yahay in ay madaxi tii la caayo tahay! 

Cali Jaamac Haabiil (AHN) mar uu hoggaamiye Xirsi la odhan jiray ammaanayay meerisyadii dushiisa uu ku xusay waxa ka mid ahaa; 

Gaadiid la dhaanshuu ahaa, gibil ma diidaane

Guraduu na wada saari jiray, goconeeyee mooyi. 

J. AFKA MADAXEED

Tan iyo maalintii la doortay Madaxweyne Biixi maalin uma hadal si madaxweyne. Habka asluubta badan ee madaxdu u hadasho ee sababta u noqdo in la xiiseeyo oo aad loo dhegaysto waxa ugu mudan qodobbadan; 

● In aan qofka madaxweynaha ahi xilli walba hadal oo aanu hadalkiisu dadka ku badan taasi oo lumiso xiisaha loo qabo maqalka hadalkiisa. 

● In hadalku in aanu dheeraan ee uu noqdo mid kooban oo duluc abbaar leh. 

● In hadalku goortiisa iyo goobtiisa leeyahay, oo aanay jirin hal seegnimo iyo hogseegnimo labaduba. 

● Wax qadaf ab oo xasaasiyadi ka dhalan karto in aan lugu arkin hadalka madaxweynaha. 

● Hadal sogor-dohan oo aan qaawannayn . 

HADDALLADII DEELQAAFKA AHAA EE M. BIIXI HAWADA MARIYAY WAY BADNAAYEENE BAL KUWAN WAX KU DAR. 

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Af-xumo nabadna waa kaa kaxaysaa colaadna wax kaagama tarto. 

” Reer Berbera dadka badda u dabbaal yimaad bay kabaha ka xadaan!” M. Biixi

 

“Awoowyaashiina waanu ka adkayn (Daarood), idinkana waanu idinka adkaanay, aabbayaashiina waanu ka adkaanay!” M. Biixi Cabdi

” Ogaadeenku dabaasha ma yaqaannaane ballay bay badda moodayaane yaanay liqine ka illaaliya” M. Biixi. 

“Ayuub waa sodoh” M. Biixi

” Ciise iyo Samaroon nooma sinna!” M. Biixi

X. GACAN MADAXEED

Gacan gudhnaantu waxa ay ka mid tahay saddexda Soomaalidu sheegtay in madaxnimadu eeddo. Gacanta irmaani waxa ay sababtaa in dadku hoggaanka ku soo hirto oo lugu soo ururo, ag jooggiisana la jeclaado, taasi oo haybadda madaxnimadana bisha.

Hadda ba gacan-gudhnaantu waa mid ka mid ah dhalliilaha ugu muuqa dheer ee M. Biixi. 

Weli qof la kulmay oo isaga oo faraxsan ka soo baxay lama sheegin madaxdii ka horreysayna qofka la kulmaa isaga ayaa wax bixinta askarta irridda madaxtoonyada ka bilaabi jiray. Hadda garo oo wax isagu gaar u leeyahay laga martiyi maayo’e qasnaddaa ummadda ee uu dul fadhiyo dadku xaq bay u leeyihiin wixii Alle u qoray in ay ka qaadaan. 

 11. BALLAMIHII BAAQDAY EE M. BIIXI 

December 24. 2017 oo ahayd maalintii xilka loo dhaarinayay, khudbaddii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi jeediyay iyo ballamo uu ummadda u qaaday wixii ka qabsoomay, ayaan bartan idin kula wadaagi. Marka hore se ballanqaadka sidii M. Biixi u dhigay ayaan u soo qaadan doonaa. Kaddibna, waxa ka qabsoomay ayaan faalladayda raacin. Qodobbada ugu muhiimsanna waxa ka mid ahaa; 

☆ “Doorashadii Madaxtooyada iyo Xanafteedii:

Waxaan diyaar u ahay oo tallaabooyin keedii u horreeyeyna aan qaaday oo haddana aan wadaa in wax allaale iyo wixii xanaf ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay in aan bogsiiyo oo weliba aan diyaar u ahay in aniga la igu jiifsado iyo xisbiga KULMIYE lagu jiifsado oo walaalahayaga waxtirsanaya aannu bogsiino, iyagana waxa laga rabaa walaalahayaga waxtirsanayaa inay garqaataan, wax baan kaa tirsanayaa kuuna soo fadhiisan maayo innama kala qabato, dhaqana umaynu lahayn.” M. Biixi 

” Xanaftii doorashada wax ka qabashadeeda iyada daaye, dab ayay xukuumaddu ku sii hurisay oo meelo xilligaa madaxweynuhu khudbaddan jeedinayay bed qabay ayuu hadda xannuunku ku fiday. Xisbiga Kulmiye oo uu madaxweynuhu ballanqaaday in uu xataa haddii lagu jiifsado raali ka noqon doono ayaa adyadda iyo xajiimaynta illaa hadda ku wada saraakiisha ugu sarsarreysa ee xisbiga qaran ee Waddani. Waxaana ugu dambaysay in Wasiirro xukuumadda ka mid ahi guddoomiye Cirro ku eedeeyeen in aanu weligii May. 18. Maalintii Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay aanu munaasibaddeeda ka soo qayb gelin. Taasi oo aan heer wasiir ku ekeyne Madaxweyne Biixi laftiisu munaasibaddii May. 18. 2019 uu fagaare la soo istaagay, isla arrintan oo didinaysay xisbiga Waddani iyo taageereyaashiisa ba. Soomaali gar waa loo wada Islaam ayay odhan jirtee hadalkaa ka soo yeedhay Madaxweynaha iyo wasiirradiisa ma waxa ka muuqata tanaasul iyo in ay ogolaansho in lagu jiifsado mise gardarro hor leh?! ” Cabdinaasir Axmed Abraham. 

☆ “Qabyooyinka qarankeena waxa ka mid ah:

1. Shaqo la’aan

2. Saboolnimo

3. Sicir-barar

4. Riiqda abaaraha soo noq-noqday

5. Musuq-maasuq

6. Qabyaalad

7. Aqoonsi la’aan” M. Biixi. 

” Xilli muddo xileedkii madaxweynaha laba sanno iyo dheeraad dhammaadeen Toddobadan qodob ee uu ballanqaadkiisa ku xusay madaxweynuhu iima muqdo horumar laga sameeyay. 

○ Saboolnimada wax ka qabashadeeda xaggeeda ba looma dhaqaaqin ayaan ku dhaafi lahaa iyada. 

○ Sixir-bararku meel walba uu taabtay intii xukuumaddani joogtayna kobocii ugu weynaa ayuu sameeyay. Waxaana dhaqaala-yahannadu u aaneeyaan go’aannadii cilmiga iyo caqliga aan midna ku dhisnayn ee xukuumaddu ku soo rogtay shirkadaha lacagta maamulkeeda qaybta ku leh ee shaqada bandiga haya. Bal haddaan is-weydiinno go’aankii dawladdu shaacisay ee ahaa in aan wax ka yar $100 la isku diri karin Zaad ama E-dahab ahaan muxuu shacabka taray ee aan waxyeello ahayn?!

○ Xagga musuqa haddaan qoollaalinno 18 hay’addood ayuu hanti-dhowrku ku helay musuq-maasuq. Kuwaas oo aan wax tallaabo ah laga qaadin. 

○ Adeegsiga qabyaaladdu cirka ayuu isku shareeray qaraabo kiilka madaxweyne Biixi sameeyay ayaana sii kobciyay aragtidayda madaxa bannaan sida ay ila tahay. ” Cabdinaasir Axmed Abraham. 

12. AQOON DARRO MAAMUL

Xirfadda maamulka ee madaxweyne Biixi waxa ka muuqata saboolnimo badan inkasta oo hoggaaminta layliga ah aalaa ba dheel-dheelligu caado u yahay, haddana calaaamadda ugu weyn ee farta ku fiiqaysa in madaxweynuhu ku haftay hawlaha maamul ee dawladnimo waa in uunu maamul daadajin samayn. Wax kastana in uu isagu qabto illaa heer wasaaraddeed.

La soco

Advertisement

Ku Xayeysiiso