Dowladda Kenya oo xaqiijisay in cudurka Ebola usan ka dilaacin dalkeeda.

Kenya ayaa xaqiijisay in kiis looga shakisanaa cudurka Ebola baadhitaan lagu sameeyey lagu ogaaday inuusan dalkeeda ka jirin cudurkaas, xilli wadamada Uganda iyo Congo ay la tacaalayaan cudurkaasi halsita ah.

Wasiirka Caafimaadka ee Kenya Sicily Kariuki ayaa sheegtay in Kenya ay hadda xor ka tahay Ebola, balse aysan yaraysan doonin halista cudurkaasi ku hayo wadamada gobolka.

Gobolka Kericho ee xiga dhinaca Uganda ayaa hooraantiii todobaadkan lagu arkay kiis looga shakiyey astaamaha cudurka Ebola, balse baadhitaanada ayaa xaqiijiyey in jirada haweeneyda 36-sano jirka ah aysan la xiriirin cudurkaas.

Dulucda cudurkan ayaa ah dalka DR Concog oo dhawrkii sano ee ugu dambaysay ay ugu dhinteen dad ka badan 1,400 oo qof.
Talaal tijaabo ah oo ay samaysay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ka dalka Uganda, si loo yareeyo halista cudurka, kaas oo sidoo kale laga fuliyey deegaanada halista ugu jira Ebola ee dalka Congo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso