Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo geeriyooday isagoo maxkamadeyntiisu socoto.


Telefishanka Masar ayaa ku warramay in madaxweyne Mursi uu geeriyooday ka dib markii uu xanuun deg deg ahi ku soo booday uuna miyir doorsoomay.

Muxamed Mursi oo madaxweynenimada dalkaas loo doortay bishii June 2012, ayay ciidanku xilka ka tuureen sanadkii 2013, tan iyo xilligaasna waxaa ku socday maxkamadeyn.

Mar uu maxkamad ka soo muuqday bishii May, ayuu sheegay in uu dareemayo in naftiisu khatar ku jirto.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in marxuumka xanuun ku soo booday isagoo maxkamadda ku sugan, isla markiina loola cararay Isbitaalka, balse uu geeriyooday intii isbitaalkala loo sii waday.

Advertisement

Ku Xayeysiiso