Waxbarashada Dalka

Qore dr buux ibraahim aadan
Maanta arday kasta oo dhigta iskuulada dalka jsl waxa uu si fudud u haystaa buugag daabacan oo uu ku akhrisan karo gurigiisa maado kasta oo uu barto taa macnaheedu waxa weeye waxqabadka madaxwaynaha jsl mudadii uu xilka madaxwaynanimo uu qabtay
Madaxwaynaha jsl mudane muse biixi abdi waxa uu u soo xulay waxbarashada dalka aqoonyahan iyo maamul daacadnimo hawlkarnimo guuraysa
Tacliinta dalka jsl waxay maanta maraysaa heer uu dareemi karo qof kasta oo ku nool gobolada dalka jsl
Tacliintu dadkay hagtaa dalkay horumarisaa waa iftiinka noolasha wasiir cismaan aadan iiman waa wasiirka kaliya ee dhaqaajiyey waxbarashadii dalka jsl
Waa wasiirka kaliya ee uu madaxwaynaha jsl uu ku keenay xul aqooneed sidoo kale waa wasiirka kaliya ee aan lahayn staff daba carara ama ilaaliya taa macnaheedu waxa weeye isbadalka ka muuqda wasiirada dalka hada maamula sida madaxwaynaha jsl uu usoo xulay wasiirada sida profesor osman aadan iiman waxa dhamaaday waqtigii xalka ee magacaabista wasiirada laga soo dhex xuli jiray salaadiinta beelaha jsl ay ka soo jeedaan
Waxa marna aan la hilmaami karayn heerka maanta ay marayso waxbarashada dalka jsl ilaa kor ilaa hoos
Wali maan arag wasiir ku fadhiya kursigiisa shaqo 8hrs oo aad ka ka heli kartid xafiiskiisa saacadaha shaqada qof kastana si fudud uu ula kulmi karo isagoo xor ah iyadoo aanay kaa hor istaagayn ciidan gaar u ah oo ilaalada wasiirda ah
Wasiirka waxbarashada jsl waa shamac ka dhex iftiimaya golaha wasiirada ee dalka marka loo eego xulka madaxwaynaha jsl uu u soo xulay aqoonyahan ruugcadaaya oo ku kalsoon shaqada iyo aqoonta waxbarasho ee madaxwaynaha jsl uu u soo xulay una igmaday wasiirka waxbarashada dalka jsl
WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso