Wadooyinkii danta guud ee umada ka dhaxeeyey markii dawlada hoose ay bixiyeen waxa fududaatay in biyahii ay waayaan goobo ay maraan

Qore dr buux fariin caafimaad

Wadooyinkii danta guud ee umada ka dhaxeeyey markii dawlada hoose ay bixiyeen waxa fududaatay in biyahii ay waayaan goobo ay maraan
Waa markii ugu horaysay ee madaxwayne uu baneeyo biyo mareen ay dad gaar ah xidheen runtii waa ayaan daro wayn oo ku habsatay golahii deegaanka ee hargeisa ee aynu dooranay

Intaydan ka hadal biyaha roobka ee dhibta keenay ka sifeeya saaqiyadaha biyahu ay maraan qashinka dul tuulan oo dhiga wadooyinka caasimada weelkii loogu talo galay qashin ururinta caasimada ta kale wadooyinka ururiska ah ee aad ka samaynaysaan caasimada ku dara qorshaha halkay marayaan biyaha roobku looma baahna qawda maqashii oo waxna haw qaban anigu ma arko caasimad qashinkeedii uu dul yaalo oo qof kasta ku tuurayo halkuu doono ayaan bilic iyo qurxinta caasimada ayaan ka shaqaynaynaa taasi waa hal bacaad lagu lisay ee dhinac kale uga wareega waqtigiini wuu dhamaaday wax idiin qabsoomay ma jiraan aan ahayn wadooyinkaa shacbigu ay idinkala qayb qaateen ee ee iga geega ah

Moyarka caasimada hargeisa ha is casilo ( nin daad qaaday xumbo cuskay ) dhab u eeg xaalada caasimada hargeisa shacbigii idin soo doortay candhuuftooday dib u liqayaan

Qorshe xumada dhiska wadooyinka caasimada hargeisa waxay dhaxalsiiyeen mugdi foolxumo waqtiga xili roobaadka qashinka iyo dhooqada biyaha fadhiisinka dul hoganaaya jidadka caasimada oo keeni kara nadaafad daro ka dilaaci karta iyadoo lagu jiro bishii barakaysnayd ee ramadaan

Wadooyinka burburay ee caasimada iyo foolxumada bilicda nadaafada waa astaan wax qabad oo lagu xasuusan karo mayarka iyo golahiisa deegaanka ah xili roobaadka iyo hargeisa

waa in kor loo qaada bilicda iyo nadaafada caasimada waqtiga xili roobadka si looga hor tago shuban biyoodka waana in dawlada hoose ay ururiyaan qashinka dooxyada iyo biyo mareenada caasimada iyo goobaha wadooyinka biyo fadhisinka oo cudur ka dilaaci karo been yaan loo sheegin umada hargeisa waad dayacday ee hore noo dhaafa
maanta shacbiga ku nool caasimada hargeisa ma u malaynaysaa in ay mar labaad la khaldi karo oo si fudud ay u siin karaan codkooda olole qabiil oo dabada ku haya tuugo iyo cadaalad xumo ragaadisay horumarkii ay ka rabeen in caasimada hargeisa ay la talaabsato caasimadaha dalalka jaarka ah sida eithopia kenya jabuti
shacbiga ku nool caasimada hargeisa idinma hayaan niyad ee waxa idin quruxbadan golaha deegaanka ee caasimada hargeisa in ay is casilaan oo dhaqso kuraasta ay u baneeyaan
qormadaydan waxaan kusoo afjarayaa nin daad qaaday xumbo cuskay golaha deegaanka hargeisa dib ha u qaadeen raadkoodi iyo halka boogtu ay tahay

Advertisement

Ku Xayeysiiso