CILMI iyo NEEF CIDDI KAMA DHARAGTEE Dayaxii lagu hungoobay iyo maxaad Ka ogtahay Ta’aytan (Titan).

CILMI iyo NEEF CIDDI KAMA DHARAGTEE

Dayaxii lagu hungoobay iyo maxaad Ka ogtahay Ta’aytan (Titan).

Waxa mudo aad u dheer ay aadamuhu la ashqaraar sanaayeen cirka habeenkii Kaas oo ay kor u dhuganayeen Xiddigaha iyo meerayaasha (Planets) guudka sare ee cirka uga muuqda, se Ilamaa wakhtigii ay bilaabeen  inay Ku eegaan diiradahaa wax soo dhaweeya waxa gashay hiddidiilo iyo han inay haweystaan siddii ay maruun u gaadhi lahaayeen Xiddigaha, meerayaasha iyo dayaxyadooda, Kaas oo ay kaga bilaabeen dayaxeena Ku wareega meeraheenan Dhulka inoo ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo (Earth ama Planet earth),taariikhdu markay ahayd 20-06-1969 ayaa lagu guuleystay in lagu dul dego dayaxa guudkiisa oo ay ku dul degeen labadii qof ee ugu horeeyey oo kala ahaa Neil Armstrong iyo Buzz Aldrin oo labaduba maraykan ahaa siddoo kale waxa dayax-gacmeedo loo diray meerayaasha (Planets) inala wadaaga xiddigta inoo qoraxda ah ama cadceedeena, meerayaashaa cadceedeena Ku wareega waa siddeed marka meeraheena Dhulka lagu Daro, kuwaas oo kala ah marka dhanka qoraxda laga soo bilaabo:-

1, Mercury, Meerkuri

2, Venus, Fiinas

3, Earth, eeriz ”Dhulka”

4, Mars, Maaris

5, Jupiter, Jubiter

6, Saturn, Saatan

7, Uranus, yuureynas

8, Neptune, Nebjuun.

waxa iyana jira meerayaal cillimo ah iyo dhagaxaan iyana ku wareega cadcaeeda kuwaas oo ay dayax-gacmeedadii sidda isdaba jooga ah loo diraayey ay soo xaqiijiyeen sawirana kasoo qaadeen.

Haddaba waxa ay Siddoo kale xaqiijiyeen in meeraheenan Dhulka ah mooyee aanay nolol aadame Ka dul suurtoobi karin meerayaasha kale ee qoroxda aynu wadaagno bal amuurta illaahay!, iyaga oo ku saleeyey inay yihiin kuwo qoroxda u dhow oo aad u kulul iyo kuwo ka durugsan oo aad u qabow iyo kuwo hawo gaas ah kasamaysan oo dhul didib ah aan lahaynba.

Sikastaba ha ahaatee markii Meerayaashii kale noqdeen meel aanay nolol aadame marnaba Ka suurtoobi karin ayaa loo weecday dhanka Dayax-yada Ku wareega meerayaasha kale waxa markiiba indhaha culimada sayniska cirka iyo hawada sare soo jiitay sawirada laga soo qaaday dayax ka mid ah dayax-yada Meeraha Saatan (Saturn), meeraha Saatan oo ah meeraha Labaad ee ugu weyn meerayaasheena ku meera Cadceedeena, waa Meeraha 6aad Meerayaasha Marka dhanka Cadceeda laga tiriyo marka dhanka meeraheena Dhulka laga jiheeyana waa Meeraha 3aad ee dhanka Qoraxda ku lidiga ah inaga xiga, waana meeraha ugu sawirka caansan, waa meere leh Giraan guudka sare kaga wareegsan waa meere baaxad leh oo qiyaas ahaan 800 oo dhul in kudhow qaadi Kara hadii lagu xareeyo ama gudaha lagaga guro, sanadkiisa uu Qoraxda kusoo wareego waxay u dhigantaa 29 Sano oo sanad dhulleed keena ah, halkii mar ee uu isagu isku wareego ama duuraana waxay u dhigantaa 10 saacadood iyo 33 mirir, Halka Dhulku 24 saacadood qaato intuu isku wareegaayo markii, Saatan wuxuu leeyahay 62 Dayax oo baaxad,samays iyo muuqaalba Kala duwan leh, Se waxa Culimada Sayniska Muuqaalkiisii sawir ee ugu horeeyey qaadan waa’ iyo amankaag ku riday Dayaxa layidhaa TA’AYTAN (TITAN) oo ah Dayaxa ugu weyn dayaxaanta Saatan, Dayaxa TA’AYTAN waa Dayax ………………lasoco qaybta danbe.

Cilmi iyo Neef, Ciddi Kama Dheregto.

Fuad Fartaag

fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso