Madaxweynaha oo tacsi u diray bahda fanka iyo suugaanta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha naxariistee Marxuum Abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi (Abwaan Jebiye) oo maanta ku geeriyooday Hargeysa

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 15/06/2019

TACSI MADAXWEYNE

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Saxardiid Maxamuud Cilmi (Abwaan Jebiye) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 15/06/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

 Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Abwaan qaranka ka baxay laguna xasuusan doono taariikhdii ma guurtida ahayd ee uu ku lahaa fanka iyo suugaanta, gaar ahaan doorkii uu ka qaatay xornimo doonkii iyo heesihii uu u hal-abuuray xornimada ee ay ka mid ahaayeen aynu maalno hasheena maandeeq, isagoo marxuumku fanka ku soo biiray 1950-meeyadii ilaa maanta oo uu geeriyoodayna uu ku hawlanaa dhiirigelinta iyo toosinta shacbigiisa, wuxuuna ka tirsanaa wasaaradda warfaafinta  iyo dhaqanka wacyigelinta Somaliland. Marxuumka oo dhashay 1938-kii kuna barbaaray Magaalada Hargeysa, waxna ku bartay, ayaa ku sifoobay waddanimo iyo dal jacayl.

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso