Loolanka kursiga Raysal Wasaaraha Ingiriiska

Loolanka kursiga Raysal Wasaaraha Ingiriiska

Tan iyo maalintay Theresa May ku dhawaaqday in ay ka daadagayso Mansabka Raysal Wasaaraha Ingiriiska, tartan xoog leh yaa ka bilaabmay xisbiga Conservative ka ee dalka loo tartamayo jagadaa. Tartankaa waxa isku soo hadhay 10
Musharaxiin. 10kaa musharax si loo kala reebo xildhibaanada xisbil xaakimka ayaa u codeeyey maanta, codadkanayna kala heleen:

Boris Johnson 114
Jeremy Hunt 43
Michael Gove 37 –
Dominic Raab 27
Sajid Javid 23
Matt Hancock 20
Rory Stewart 19

Waxa la reebay:

Mark Harper
Andrea Leadsom
Esther McVey

Boris Johnson – Wasiirkii horee arrima dibadda ayey guushii ugu horraysay tartanka qaybtan horre u soo hoyatay oo kaga daadaadiyey Musharaxiintii kalee tartanka kula jiray.Waxay u eegtahay in Boris Johnson oo ku mitaalay dumarka Muslimiinta ee niqaabka xidha “ letter boxes “ sanduuqa waraaqaha, in uu noqon doono Raysal Wasaaaha Ingiriiskee soo socda.

Jerremy hunt, Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xagga codka ku xigga Boris Johnson balse u dhawayn, wuxuu helay 43 cod oo qudha.

Isaga ninkii Michael Gove – Wasiirka Ilaalinta Bii’ada, ee Boris Johnson middida xagga danbe ka taagey markii doorahadii horree Mansabkan ee ay ku guulaysatay Theresa May 2016 loo tartamayey, way xaadhatay oo 37 cod oo qudha ayuu helay. Michael Gove intuu u balan qaaday Boris Johnson in uu taageeri doono ayuu kaga baxay, tartankana ku biiray. Boris Johnson hoostuu aad uga qoslayaa.

Sajid Javid – Wasiirka arrimaha Guddaha, asal ahaana ka soo jeeda dalka Pakistan wuxuyu helay 23 cod oo qudha – waa loo qabyaaladeeyey. Waxa inkaartay inan yar oo asal ahaan ka soo jeedda Bangladesh oo la yidhaa Shamima Begum oo ku biirtay ururka xagjirka ah ee ISIS. Sajid Javid wuxuu Shamina u isticmaalay awoodda Wasaaraddiisa wuxuuna ka xayuubay sharcigeedii Ingiriiska kadib markay ISIS ka baxday ay is tidhi Ingirriska ku soo noqo. Wuxuu islahaa sallaan ka dhigo oo tus shacabka Ingiriiska in uuna u xaglaynayn xagga Islaamka, laakiin qorshahaasi wuu u shaqayn waayey Wasiirka.

Laba dumar oo qudha aya tartankan ku jiray – Andrea Leadsom iyo Esther McVey. Labaduba way hadheen. Dumarkii Theresa May ayaa lagaga quustay.

Musharaxiinta tartankan horre ku guulaystay dib baa loo sii kala reebi doonaa ilaa ay laba musharax isku soo hadhayaan. Labadaa Musharax ee ugu danbeeya waxa u codayndoona 124,000 xubnood ee xisbiga Conservative ku ka koobanyahay.

Maxamad Cumar Maygaag – Taag

Advertisement

Ku Xayeysiiso