Kenya oo digniin kasoo saartay Cudurka Ebola

Dowladda Kenya ayaa walaac xooggan ka muujisay Cudurka Ebola, markii uu ka dillaacay Waddanka ay deriska yihiin ee Yugaandha.

Madaxa Caafimaadka ee ka howlgala degaannada xadka Labada Dal Joshua Arusei, ayaa Jariiradda Daily Nation u sheegay in Dad ka badan 300 Qof ay baadhitaan mariyeen, kuwaas oo kasoo tallaabayay xudduudda.

Wuxuu sheegay in ay baadhayaan dhammaan Dadka kasoo safraya Waddamada Yugaandha, Ruwaandha, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Congo iyo Koonfurta Suudaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso