180-sano ka dib Athens oo yeelaneysa Masjid

Wasiirka Waxbarashada iyo Diimaha Kostas Gavroglou ayaa sheegtay in bisha Setembar ee soo socota si rasmi ah loo furi doono Masjid cusub oo laga hirgaliyay caasimadda Athenie dalka Gariiga (Greece)

Wasiirka oo maalinimadi Jimcaha ee shalay booqday masjidkaasi ayaa sheegay in dib u dhac badan ka dib dowladdu ay qabanqaabisay furitaanka masjidkaasi oo 3-sano ka dib ay ogolaadeen Baarlamaanka dalkaasi.

Wakiiillo ka socday musliminta ayaa sidoo kale booqday Masjidkaasi oo laga dhisay duleedka magaalada Athanis,waxaa markiiba ku Tukan kara 350-ruux ,iyadoo kharashka ku baxay lagu qiyasay $ 967,000 .

Dhismaha Masjidkaan ayaa la xaqiijiyay in sanado badan uu ka jiray muran ka dib kolkii dhismahiisa ay Ka hor-yimaadeen hoggaamiyaasha mucaaradka dalka Gariigga (Greece)

Tobanaan kun oo muslimiin muhaajiriin ah ayaa fursad u helaya in bisha Setembar ee soo socota ay arkaan masjid u suurta galin kara in ay u cibaadeystaan six or ah .

Advertisement

Ku Xayeysiiso