Shan Qof oo ku dhimatay Roobab ka da’ay Dalka Yugaandha

Shan Qof ayaa ku dhimatay, 50 kalana waa lagu la’yahay Dhul go’ ka dhashay daadad ay sababeen Roobab lixaad leh oo dhawaan ka da’ay nawaaxiga Degmada Budada ee Dalka Yugaandha.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Dalka Yugaandha oo warkan laga soo xigtay ayaa sidoo kale sheegtay in ay Roobabku burburiyeen 150 Guri, markii ay ku dhufteen Biyo baaxad leh oo kasoo rogmaday Buurta Elgon ee dhacda bariga Dalkaasi.

Afhayeen u hadashay hay’adda Laanqeyrta Cas ee Dalka Yugaandha oo lagu Magacaabo, Irene Nakasiita, ayaa warbaahinta u sheegtay in Dadka dhintay ay ku jiraan Haweeneey 73 jir ah iyo Carruur badan.

Xubno ka tirsan Hay’adda ICRC, mutadawaciin iyo Boliiska degaankaasi ayaa ku howlan samata bixinta Dadka ku waxyeelloobay qasaarihii ka dhashay Roobabka halkaasi ka da’ay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso