Madaxweynaha Shinaha oo ammaanay Vladimir Putin iyo Donal Trump oo hanjabay

Madaxweynaha dalka Shinaha Xi Jinping ayaa madaxweynaha dalka Rashiya Vladimir Putin ku tilmaamay in uuu yahay saaxiibkiisa qaaliga ah,xilli uu booqasho 3-cisho ah ku joogo magaalada Mosko,halkaas oo diiradda lagu saarayo arimaha ganacsi iyo xidhiidhka 2-da dal.

Booqashada ayaa timid xilli Shinaha iyo Mareykanka ay sii kordhayaan dagaaalka ganacsi ee u dhexeeya dhinacyadaasi,waxaana Rashiya waqtigan ay dooneysaa in ay wanaajiso cilaaqaadka dalalka Bariga ka dib markii uu sii xumaaday xidhiidhkii uu la lahaa dalalka galbeedka.

Madaxweynaha Shinaha ayaa sheega in muddo lix sano ah uu 30-jeer booqday dalka Raashiya,wuxuuna intaa ku daray in Fladamiir Putin uu yahay saaxiib qaali ah oo ku weyn.

Xi Jinping iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maalinimadii shalay oo Arbaco aheyd gaadhay magaalada Moosko,halkaas oo 2-da dhinac ay wada saxiixeen heshiis ganacsi oo mug leh

Dhinaca kale Madaxweynaha daka Mareykanka ayaa soo saaray hanjabaad cusub oo ku aadan in haddii uu ka fursan waayo uu cashuur kale oo gaadhaysa $300 billyan uu saarayo alaabaha ganacsi ee uu dhooofiyo Shinaha,wuxuuna intaa raaciyay in Shinaha uu ka rajenayo in ay wadahadal cusub ka galan arimaha ganacsi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso