Qaramada Midoobay  oo Geska Afrika  u qoondeysay $45 milyan

Heyadda Isku dubaridka Gaargarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay ayaa lacago gaadhaya $45 miyan u qooondeysay Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah CERF si wax looga qabto macluusha iyo abaaraha ku habsaday dadka ku dhaqan qeybo ka tirsan Dalalka Somaaliya,Itoobiya iyo Kenya.

Dhaqaalaha inta badan oo ah $30 millyan waxaa loo leexin doonaa dalka Soomaaliya ,iyadoo 2.2 million oo dad ah ay bishii Disembar ay soo wajaheen macluul,halka 3.2 millyan la saadaalinayo in ay u baahan doonaan gurmad bini adanimo.

Qoondada Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah,ayaa lagu waramay in uu kaabaya ama dhaameystiraya dadaalka dowladaha Soomaaliya,Itobiya iyo Kenya ,kuwaas oo lagama maarmaan ah in ay kaalmeeyaan dadka ay la soo derseen macluusha iyo abaaraha,gaar ahaan dadka u liita sida aadka ah.

Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga  CERF waxa ay ururada  samofalka u ogolaan doonaan in ay si degdeg ah uga jawaabaan kaalmada ay u baahan yihiin dadka ay haleeshay abaraha,gaar ahaan dalka Soomaaliya oo la tilmaamay in ay adkaanayaan ama ka sii darayaan xaaladaha.

Roobabkii xilligii bishii Abril iyo Juun oo yaraaday aawadeed ayaa la sheegay in ay sababeen cunto yari keentay macluul,waxaana laga cabsi qabaa in bilaha Oktoobar iyo Disembar ay iyaguna hoos u dhacaan roobabku.

Lacagahaasi ay qoondeeyeen Qaramada Midoobay waxaa la filayaa in lagu iibiyo adeegyada nolosha ee lama huraanka u ah dadka sida cunto,biyo nadiif ah,fayo dhowrka iyo daawooyin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso