Mujaahidiinta Madasha WADA-tashigu nin walba Garaadkiibuu hadlay


Odayada Madasha wadatashiga oo xaalada dalka ka Hadlay Ayaan jeclaystay inaan laba oday oo muxtarim ah hadaladoodii midba erey ka idhaahdo wixii iiga baxay.

Mujaahid Xasan Guure oo ka mid ah Mujaahidiinta mar walba umada bad-baadinteeda ku Hawlan waxaan ku bogaadinayaa sida Aqoonta, aragti fogaanta, iyo tudhaalaha leh ee uu qadiyadaha cakiran uga hadlay.

Sida uu sheegay Xadhiga xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool sharciga ma waafaqsana, xadhigiisa iyo sii  hayntiisuna waa Dastuur jebin cawaaqib xumo ka dhalan doonto  sharcigana hadaan xukuumadu Ilaalin garan mayo cida lagu dhaqi doono ee aqbalaysa.

Waxa kale oo aan bogaadinayaa xaqiiqonA ah  sida Muj. Xasan Guure sheegay Golaha wakiilada iyo Golaha Guurtidu Doorashooyinka ma qabtaan masuulna Kama aha, haddii ay qabsoomi waayaana iyagu kuma dhaliilna ee waxa ku ceebaysan Xukuumada iyo xisbiyada ilaa hadda isku haysta sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, taas oo haday qabsoomi waydana ay xilka sii haynayaan ilaa inta Kuwa masuuliyadoodii dayacay doorasho ku qabanayaan, waqtigeedii haday ku qabsoontana sida marar badan shir gudoonku cadeeyey ay diyaar u yihiin inay kuraasta baneeyaan wixii iyaga ku xidhana ay dhamaystirayaan.

Wasiirkii Hore ee Maaliyada Xukuumadii Axmed Siilaanyo Mudane Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu cay iyo aflagaado qaawan kula dul dhacay Mudanayaasha labada gole oo uu ku tilmaamay Qaar laaluushka iyo xaaraanta xalaashaday oo aanu samuhuba ku duxin waxaanu ku tilmaamay inay sharci daro ku fadhiyaan oo xasaanad iyo xil-toona aanay haynin.

Maxamed Xaashi ayaan intaas ku hadhine waxa uu madaxweynaha laftiisa ku eedeeyey nin aan mushaharkiisa ku qanacsanayn oo wax ka badan oo xaaraana jeclaysanaya

Waxaan leeyahay Maxamed Xaashi oo keligii saxane/keligii muwaadin ah Sharcigu aragtidaada maaha ee waa waxa ku qoran Dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala, Golayaasha qarankana sharcigaas bay ku yihiin sharci Kuna leeyihiin Xasaanad aan cidina ka qaadi Karin qof sharciga indhaha ka xidhaya mooyaane.

Maxamed Xaashi Cilmi isaga ayaa Mudadii koobnayd ee uu wasiirka ahaa Caan ku noqday Eex iyo qaraabo kiil badheedh ah oo cid kastoo wasaarada ahayd ama ay Wada shaqayn lahaayeenba xog-ogaal ka  ahayd. Waxaan u soo jeedin Lahaa inuu ka waantoobo sharaf dilida iyo aflagaadada joogtada ah ee uu golayaasha qaranka ku hayo isagoon cadayn u haynin waxa uu ku eedaynayo.

Sidoo kalena aanu shuruucda dalka Marin habaabinin oo ka been abuuranin.

Gebagebada qoraalkayga waxaan Xukuumada leeyahay Xildhibaan Dhakool waxa uu leeyahay Xasaanad dastuuri ah, Ha la ilaaliyo  shuruucda dalka oo xoriyadiisii si bilaa shuruud ah ha loogu soo geliyo.

Sharcigii inoo dhigan

Inta aan la dhaqangelin

Nina aanu dhinac Marin 

Midna jeelka lagu dhigin 

Qaran wali dhamaystiran

Oo shacabku dheefsado

Dhabtii iima muuqdaan

dhalanteed la mood iyo

Waa dheeli Xaajadu !!!!!

Allaa Mahad leh

SULEYMAAN CABDISITAAR DUBAD 

Cabdisitaar@hotmail.com  

Advertisement

Ku Xayeysiiso