Erdogan: Ka laaban meyno heshiiska Russia ee ganntaalada S-400

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uusan ka laaban doonin heshiiska ku saabsan iibsiga gantaalada S-400 ee lala galay xukuumadda dalka Russia.

“Waxaa jira heshiis aan go’aaminay anaga iyo Russia,mana jirto wax sababaya in an ka laabano heshiiskaasi,sidaasi waxaa yidhi Erdogan oo warbaahinta manta kula hadlay magaalada Istanbul.

Madaxweynaha Turkiga waxaa uu sheegay in yabooha iisbiga gantaalada Patriot ee dhinaca Mareykanka uusan u wanaagsaneyn sida ballanqaadka ay bixiyeen Rusia.

Xidhiidhka Isbaheysiga Nato iyo xukuumadda Ancara ayaaa la tilmaamay in uu ku yimid xanibaad,ka dib kolkii Turkigu ay ku dhawaaqeen in ay iibsanayaan gantaalada S-400.

Mareykanka ayaa ugu baaqay Turkiga in ay ka iibsato gantaalada Patriot,halkii Russia ay ka gadan laheyd S-400.

Advertisement

Ku Xayeysiiso