“Muddo Laba Sanno Ah Odayaashi Madashu Midh Run Ah Ayay Sheegeen”. Muniir Axmed Cigaal 

“Muddo Laba Sanno Ah Odayaashi Madashu Midh Run Ah Ayay Sheegeen”. Muniir Axmed Cigaal

Odayaasha madasha wadatashiga abaabulkoodi hore Muuse Biixi anigoo ogaa inay isku cindanayeen oo ay wakhtigaas midaysay Mucaaridnimadii Xukuumaddii Axmed Siilaanyo oo Muuse Biixi aha Muxaafid Muxaarid, hadana waxaan maanta qiraya inay Alle hortii runta ku rafteen oo shegeen in tii Siilaanyo dhaantay Xukuumadda Heego ee Muuse Biixi.

Xukuumaddii Axmed Siilaanyo danbiga ugu wayn ee ay Waddanka ka gashay waa inay Muuse Biixi Dalka u afduubtay, oo dhammaan haykalkii dawladeed ugu adeegtay, Muuse Biixi degaankiisu ma wadan oo Somaliland ma wadan oo KULMIYE ma wadan oo isagaa ugu tageero yaraa hadana waxaba waa la jiidhsiiyay, danbarkeedina maanta Somaliland waa haysa mana dhawa sidaan sadalinaayo wax ka sii xumaada mooyane waxba ma soo kordhinaayo waayo umaba abaabulna.

Xukuumadda Muuse Biixi Xukuumaddii Siilaanyo ka Wasiiro xun, oo ka tayo xun oo ka tallo xun oo ka isku wad xun oo ka dhaqaale xun oo ka garawshiyo xun oo ka saamayn la’aan xun. Marka Alle hortii odayaashu maanta runta ayay ku rafteen.

Madaxweyne Muuse Biixi kama dabaalan doono, furfurka Sanaag Bari, tabashasa SOOL iyo heshiiskii Khaatumo, saamiga doorashada ee Gobolada iyo degmooyinka, khilaafka Xisbiyada, Maamul daadajinta Gobolada, Saami qaybin cadaladeed oo ummadda loo sameeyo isaga oo  wax kasta isku koobay ilaa Askari ilaa linayaa ilaa Taliyaashi Ciidamadda ilaa Maxkamaddii Sare ee ilaa Wasiiradii mudnaa ilaa kuwii Lacagta u hayay, Baanka dhexe Maaliyada, 5-ta Agaasime ee Shanta Wasaradood ee Dalka ugu wayn, Madaxtooyada, Baandhe dhexe, Qorshanta, Caafimaadka, Cadaaladda waxaasi dawladnimo maha waa ku cariigsi iyo ha dunto amma anaa wada xaabsanaaya waxaas Oo dhan kama dabaalan doono sidaan anigu sadalinaayo marka si kasta iyada uga liidata Xukuumaddii Siilaanyo.

Tusan

Advertisement

Ku Xayeysiiso