DHAKOOL HA ISKA XIDHNAADO. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

image.png

Dhakool hayska xidhnaado
Xabsi hayska dhex jiifo
Xayraankii ina Biixi
Xeradiisa dhexdeeda
Haku xaadir ahaado
Waa xisaabo kaleeto
Iyo xeelado aasan
Waa xumaan la maleegay
Xinna waa weheshaaba
Adigoo Xaraf jooga
Xuurto weeye ku hayso
Waa xiniinyo u sheego
Xididkiisiyo qoyska
Yaanay booqan xigaalo
Waa mid uu xisku diiday
Iyo xoog iyo waalli

Anigoon is xigsiinnin
Xil uun baa i damqaayee
Xiska maankiyo laabta
Xubbi daa hadalkiisee
Xaaddu iima dareemin

Xabiibkii na abuurtiyo

Allaa xaajo ogsoone

Sida ay xantu sheegtay
Inkastuu xumo geystay
Xawda uu dad ka gooyey
Waxan loo xakameeyey
Xaakimkii siduu naadshay
Xeerkii meesha u yaalliyo
Xurmadii sharcigooda
Tii xasaanaddu siisay
Xadkoodii lama qaadin
Waxna loomaba xeerin
Xaaraan weeyiyo baadil
Xukun duudsiya weeye

Anigoon xaglinaynin
Xaq uun baa i dhibaayee
Xinjiri iima dubaaxin
Waase xaajo adduunyo

By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

Advertisement

Ku Xayeysiiso