Tunisia oo diidday in Markab siday muhaajiriin laga soo dejiyo xeebaheeda

Maamulka dalka Tunisia ayaa hor istaagy in 75-muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay badweynta ay soo galaan dalkasi,sida laga soo xigtay kooxo qaabilsan Xuquuqul Insaanka iyo Kabtankii waday Markab soo badbaadiyay dadkaasi.

Muhaajiriintaasi iyo dooni ay la socdeen ayaa dulsabeyneysay biyaha caalamiga ah ee badweynta,ka dib kolkii ay waxyeello soo gaadhay Matoorkii doontaasi,waxaana halkaasi ka soo badbaadiyay Markab laga lahaa dalka Masar,sida uu maalinimadii shalay caddeeyay Kabtankaasi.

Ka dib markii ay mas’uuliyiinta Talyaaniga iyo Malta ay diideen dadkaasi waxaa shaqaalaha Markabkii sidday muhaajiriinta  ,ay u socdaalay dekedda Koonfurta Tunisia ee Zarzis.

Dowladda Tunisia illaa hadda ma bixin wax jawaab ah oo ku aadan in dadkaasi loo ogolaado in laga soo dejiyo dekeddaasi,waxana Kabtanka ama Naakhuudaha uu sheegay in aysan heysan biyo iyo cunto ku filan.

Dadkaasi la badbaadiya waxa ay isugu Iraan  64 Bangladesh,sagaal Masaari ah,hal ruux oo Moroccan ah iyo hal qof oo Sudan ah ,kuwaas oo la tilmaamay in ay ka soo baxeen xeebaha Zuwara ee galbedka dalka Libya.

Bishii hore 60 muhaajiriin ah oo badankoodu yihiin Bangladesh, ayaa ku geeriyooday xeebaha dalka Tunisia.

Advertisement

Ku Xayeysiiso