Muuse Biixi Iyo Talada Dalka M/Weyne Iyo Webigii Waalida (Qaybtii 71aad) Maxamed Xoosh

Waxqabadka Iyo Rabitaanka Shacabku Isma Qaataan Inta Badan
Sheekadan Ayaa Tilmaamaysa
Webigii Waalida
Waxa Laga Sheekeeyaa In Webi Dhex Mara Boqortooyo Ay Deganaayeen Shacab Iyo Boqor Is Ogol
Webigii waxa Ku Dhacay Daacuun “Cudur” Qofka Cabaa Uu Ku Waalanaayo
Shacabkii Ayaa Ka Cabay Webigii Dabadeed Way Wada Waasheen, Dadkii Ayaa Kooxo Kooxo Isku Raacay Oo Ku Wada Hadlay Af Aanay Dadka Fayoobi Garan karin
Boqorkii Ayaa Dareemay Inay Khatari Soo Food Saaratay, Wuxu Sameeyo Ayuu Garan Waayay Dadka Intuu Yaqaanay Ayuu Uga Digay Xanuunkan Waalida Balse Daacuunkii Waalida Ayaa Wada Gaadhay Shacabkii Oo Dhan,
Maalin Maalimaha Ka Mid Ayuu Boqorkii Ku Toosay Isagoo Daacuunkii Waalidu Haleeley Boqoradii, Boqoradii Ayaa La Kulantay Qayb Ka Mid Ah Shacabkii Waalnaa Iyadoo Ka Cabbanaysa oo Leh Boqorkii Ayaa WAASHAY
Wasiirkii Gacanta Midig u ahaa Wuxu u Sheegay Boqoradii ayaa Xanuunkii Waalidu Haleelee Mee Ilaaladii u Gaarka ahaa Markay Waxani Dhacayeen
Wasiirkii: Ilaalada Laftigoodii ayuu Xanuunkii Gaadhay
Boqorkii : Iidoona Dabiibkii
Wasiirkii : Diktoorkii Isna Wuu Waashay Boqorow
Boqorkii : Waa Maxay Dhibtani Yaa Ka Fayow Dadkii Magaalada Deganaa ?
Wasiirkii : Waan Ka Xumahay,Magaalada Dhan Aniga iyo Adigaa ka Fayow
Boqorkii : Waxaan Dirqi ku Maamuli Jiray Dadkii Fayow oo Caafimaad Qaba Sideen u Maamuli Karaa Dadka oo Wada Waalan
Wasiirkii : Boqorow Shabcabku Wuxuu u Haystaa Inay Iyagu Fayowyihiin oo aanay Jirin Cid Waalani Aniga iyo Adiga Mooyaane
Boqorkii : Waa Maxay Waxaad ku Sheekaynaysaa, Iyagaa Webiga ka Cabay Iyagaanu Xanuunku ku Dhacay
Wasiirkii : Dhab Ahaantii Boqorow Waxay ku Andacoonayaan inay Biyaha u Cabeen si ay Uga Badbaadaan Daacuunka “Xanuunka” Waaalida, Sidaa Awgeed Ayay u Haystaan in Aniga iyo Adigu u Waalanhay
Boqorkii : Ii Dhiib Koob Ka Mid ah Webiga Waalida Aan Kabadee ….WAALI WAXA AH ANIGOO AHAADA NIN FAYOW DADKA OO WADA WAALAN.
Luqadda Siyaasiga ah ee Muuse Biixi Ku Hadlaayo iyo Afkay Fahmayaan Shacabku Kolay Turjumaan Looga Maarmi Maayo
Alle Ayaa Mahad Leh
Attachments area

Advertisement

Ku Xayeysiiso