CUQUBO HALKII LAGU GALAY CAW KU HURIDAAYE, CARUURTAY KA LAYSAA, NINKII CAANO BAAS DHAMA’E … Cabdi Warsame Baaje (Cabdi Gahayr)

CUQUBO HALKII LAGU GALAY CAW KU HURIDAAYE, CARUURTAY KA LAYSAA, NINKII CAANO BAAS DHAMA’E … Cabdi Warsame Baaje (Cabdi Gahayr)
Beryo dhawayd oo ay abaar ba’ani ku habsatay geyiga Soomaalida ayaan saxaafadda ka maqli Gudiga Abaaraha Somaliland oo qaadhaankii dadka aabaruhu aafeeyeen loo ururiyay musuqay. Waan yaabi jirey oo waxaan is odhan jirey, waar dadka waxaa odhanayaa miyaanay xishoonayn, maxaa la musuqayaa ma raashin iyo bustayaal qaadhaan iyo yabooh lagu keenay… QAAQ!!! Waxaa kale oo aan ka khajili jirey in culimaddii dalka ugu waaweynayd lagu eedeeyo raashin iyo shilimo la soo dawarey bay wax ka dayeen, DHEGA!

Maxaadse u malayn haddii aan la kulmay arrintaas oo kale; ka dib markii Ramadaantan horaanteedii uu xafiiska DARS ee Hargeysa la soo xidhiidhay sarkaal ka tirsan Ururka Islaamka Adduunka (Oragnization for Islamic Cooperation- OIC) oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cabdullahi Cigaal oo aanu is-baranay 30 sano ka hor isagoo Xoghayaha 2aad (Second Secretary) ka ah Safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay Addis Ababa. Mudane Cigaal wuxuu iga codsaday inaan ka caawiyo, siddii raashin mucaawino ah oo Ururka Islaama Adduunku ka soo qaaday Xarunta Bin Salmaan ee Sucuudiga loo gaadhsiin lahaa 2,500 qoys danyar ah oo ku noool magaalooyinka Hargeysa, Berbera, iyo Sheekh. Hawshaas qaab mutadawacnimo ah lagu shaqaynayay ayaa laba jeer diiday inaan ka qayb qaato. Hase ahaatee, xubnaha kale ee DARS aanu ka wada shaqayno ayaa ihu qanciyay inaanu ka qayb qaadano hawshaas, oo ajar noogu jiro; yaanaan wax kale ka heline. Waxaanu saxeexnay heshiis sidaaas dhigaya. Sida nalagu war-geliyay cid kale ayaa raashin soo iibinaysa, laakiin annagu waxaanu masuul ka noqonaynay qaybinta oo keliya, oo ay ugu horryaso in la soo diiwaan geliyo qoysaska danyarta ah ee magaalooyinkaas ku nool.

Waxaa la qorsheeyay in 1,200 qoysa Hargeysa laga soo xulo; 800 qoysna Berbera, iyo 500 qoys oo Sheekh degen. Ka dib, markii aan muddo ilaa 15 maalmood ku mashquulsanayn u diyaar garawga hawshaa ee aanu 8 degmo-hoosaad ee magaaladda Hargeysa mid walba ka soo qoray 150 qoys oo danyar ah, ee aanu isu keenay liiskii ilaa 1,200 qoys, isla markaana aanu u gudbi lahayn gobolka Saaxil ayaanu subax keliya ku war helay “ arrin amakaag iyo af-kala-qaad nagu noqotay” . Taasoo ah in raashiinkii laga wareejiyay goobihii loogu talo galay, loona leexiyay degmooyinka Baligubadle, Cadaadley, Daarasalaam, Faraweyne, Sabowanaag, iyo Sallaxley. Sidoo sidoo kale, waxaanu xan hoose ku maqalnay in anagga nalaga wareejiyay qaybinta raashinkaas oo gacanta loo geliyay Wakaaladda Aafooyinka Somaliland.
Annagoo been iyo borobagaando u haysta xogta aanu helay, ayaannu subax hore oo Arbaca ah telefon kula hadlay Mudane Siciid Cabdi Gaboobe, Agaasimaha Arrimaha Carabaha u qaabilsan Wakaaladda Aafooyinka Somaliland, oo aanu shalay oo kale (Salaasaddii) kula kulanay xafiiskiisa si uu arrintaa nooga taageero, maadaama ay hawshani tahay shaqo nagu cusub.
Waxaa cajiib ahayd inuu Siciid Cabdi Gaboobe nagu war-geliyay inuu joogo degmadda Daarasalaam ee waqooyiga Hargeysa oo ay isaga iyo sarkaal OIC ka tirsan ku mashquulsan yihiin qaybinta raashinkaas. Waxaannu waydiinay, oo hadda shalay maxaad noogu sheegi wayday in qorshuhu sidaas ahaa, balse telefoonkiiba go’ay. Markii aan ku celiyayna, waa la iga qaban waayay.

Subaxii khamiistii baan haddana telefoon kula hadalnay Maareeyaha Wakaaladda Aafooyinka Somaliland, Mudane Faysal Cali Sheekh, oo aanu waydiinay, waxa laga yeelayo qoysaskii aanu diiwaan gelinaynay ee aanu u sheegnay in raashin loo soo wado. Faysal wuxuu noogu jawaabay, waa la dhameeyay raashinkaas, oo shalay (Arabacddii la bilaabay ee aan la hadlay Siciid Cabdi Gaboobe) waxaa la geeyay Daarasalaam, maantana (Khamiistii), wuxuu ka socdaa Baligubadle, Cadaadley, Faraweyne, Sabowanaag, iyo Sallaxley (Agga, waar orod badanaa, oo raashin qaybinta dhamayn ogaa).
Markaasaan xusuustay waaggii la odhan jirey Gudiga Abaaraha ayaa booyadahii biyaha ee lagu tabarucay musuqay. Si kastaba, ha ahaatee, laba arrimood ayaa I dhibay oo habeen walba markaan saxeexanayo i horyimaada.
Arrinta 1aad, waxaa weeye ururka caalamiga ah ee magaca Islaamka sita ee qaabkaa u dhaqmaya, ceebta uu u soo jiidayao Islaamka, Haddana, waxaan xusuustay, in waayaddaaba lagu guurayay magacii Islaamka, oo ribaddii Ilaahay xaarantimeeyay ay raga ula baxeen magacyo Af-Carabi oo dadka diin looga dhigo oo lagu xalaalaysnaayo, sida Mubaarbaxa, mushaaaraka, mubaadala, iwm. Waxaa la soo saaray English course loo bixiyay Af Ingiriisiga Xalaasha ah, oo dadka lagu beer-laxawsanayo, balse ah buugaan English jirtey, ee meeshii ay ku qornayd “Jhon went to Church”, lagu bedelay “Maxamed went to Msoque”.

Arrinta 2aad, waxaa weeye, wixii aan ugu jawaabi lahaa 1,200 qoysk oo danyar ah ee aan ku idhi raashin baan idiin keenayaa. Maxaad u malaynay hadday arrintaasi ila gaadhay inaan ku fekero inaan iibiyo dhul aan leeyahay (Ilaahy baa wax leh); ka dibna aad dadkaas raashin u siiyo, walaahi halakasay ila gaadhay. Waar dadku cuqubo u adakaa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso