Ciidamada Myanmar oo mar kale ku dhaqaaqay dambiyo dagaal

Hey’adda Qaramada Mdoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka (Amnesty International)ayaa sheegtay in ciidamada Myanmar ay soo cusbooneysiiyeen weerarada lagu xasuuqayo Muslimiinta Rohingya ee ku nool gobolka Rakhine .

Hey`adda ayaa xustay in ciidamada Barma ay mar kale fuliyeen falal xasuuqa ah oo la mid ah kii dhacay sanadkii 2017-dii ,kaas oo loo geysanaayo dadka Muslimiinta,gaar ahaan jabhadda ka dagaalanta Woqooyiga gobolkaasi.

Boqolaal qof ayaa ka barakacay dagaalada u dhexeeya ciidamada iyo jabhadda Mayanmar,waxaana dad dhibanayaal ah ay sheegayaan in ciidamo ka socda qeybaha 22-aad iyo 55-aad ay wadaan howlgallo xasuuq ah oo lagu baacsanaayo muslimiinta.

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka maalinimadii Arbacada ayaa lagu sheegay in baadhitaan la sameeyay ay muujinayaan in ciidamada Myanmar ay ku dhaqaaqeen dambiyo dagaal iyo xadgudub xagga bin’aadanimada ah.

Hey`addu waxa ay ku baaqday in xasuuqa ka dhacay gobolka ismaamulka Rakhine loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada,isla markaana dalkaasi la saaro cunaqabateyn buuxda.

Khilaafka ka jira Myanmar ayaa kordhay bishii January ee la soo dhaafay,ka dib markii 13-sarkaal ay dileen Jabhadda Arakan-ka ee la dagaalanta ciidamada dalkaasi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso